Waxaa la aqristay: 177 Jeer.
Newcastle oo dubatay Chelsea, Arsenal oo dirqi kaga baxsatay Stoke iyo kulammadii kale
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Kooxda Chelsea ayaa afka ciidda loo daray kaddib markii ay wacdaro tusiyeen Xiddigaha kooxda Newcastle, siiba kuwa u dhashay Dalka Faransiiska.
Moussa Sissoko ciyaaryahanka Madow ee reer France ayaa goolashii ugu horreeyey kala dul dhacay kooxda Chelsea kuwaas oo noqonaya goolashiisii ugu horreeyey ee uu u dhaliyo kooxdiisa Newcastle.
Moussa Sissoko ayaa dhaliyey labo ka mid ah goolasha ay kooxdiisu dhinaca dhulka ugu dhigtay naadiga Chelsea, waxaa kooxda The blues lagu quusiyey 2-3 oo goolasha qaar ay yimaadeen waqti dambe.
Kooxda Chelsea ayaa gaarigu uga damay kaalinta saddexaad waxa ayna leedahay 46-dhibcood, halka Newcastle ay leedahay 27-dhibcood ayna fadhiso kaalinta 15-aad ee kala horreynta horyaalka Ingiriiska.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa dirqi 1-0 kaga baxsatay kooxda Stoke City, kulankaas oo ka dhacay garoonka kooxda Gunners ay ku ciyaarto ee Emirates ee Magaalada London.
Kulammadii kalena kooxuhu waxay u kala badiyeen:
02/02/2013 Queens Park 0 – 0 Norwich C.
02/02/2013 Arsenal 1 – 0 Stoke C.
78′ Lukas Podolski.
02/02/2013 Everton 3 – 3 Aston Villa
2′ Benteke (Villa), 21′ Anichebe, 24′ Agbonlahor (Villa), 61′ Benteke (Villa), 69′ Fellaini, 90′ Fellaini.
02/02/2013 Newcastle 3 – 2 Chelsea
41′ Gutiérrez, 55′ Lampard (Chelsea), 61′ Mata (Chelsea), 68′ Moussa Sissoko, 90′ Moussa Sissoko.
02/02/2013 Reading 2 – 1 Sunderland
7′ kebe, 29′ Gardner (Rigoore), 85′ Kebe.
02/02/2013 West Ham 1 – 0 Swansea C.
77′ Carroll.
02/02/2013 Wigan Athletic 2 – 2 Southampton
25′ Caldwell (Wigan), 64′ Lambert, 85′ Schneiderlin, 90′ Maloney (Wigan).
Daawo Sawirro







Sawirrada Arsenal iyo Stoke C







Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
