1: Sunday, February 3, 2013 - 08:26:44
2: 171 Jeer.

Pepe oo dib ugu soo laabanaya Real ka hor kulanka Manchester United

Waxaa Qoray:

Pepe

Real Madrid daafaceeda Pepe ayaa qarka u saaran inuu garoomada dib ugu soo laabto kaddib dhaawac soo gaaray, waxaana kooxdiisa uu la bilaabay tabarka malin laha ah, inkastoo uu saacad kaliya la sameeyay kooxdiisa.

Laacibkan ayaa la filayaa in garoomada uu ku soo laaban karo wixii ka dambeeya Todobadkaan in kastoo laga reebay Ciyaaryahannada xulka Portugal ee ka hor tagi doono xulka Ecuador ciyaarta saaxiibtimo ee Arbacada ku dhex mari doonta Guimaraes.

Warka wanaagsan ee soo gaaray maqalka Tageerayaasha Kooxda Real ayaa ah in laacibkan uu ciyari doono kulanka Sevilla, kaasoo ah kulan hore lugta koowad ee Taratanka kooxaha qaaradda Europe ee ka hor tagi doona kooxda Manchester United.

Raphael Varane oo ciyaar shaqsiyeed soo bandhigay kulankii Barcelona ayuu ku qanacsan yahay Macallin Mourinho, waxaana laga yabaa in uusan ku soo deg degin laacibkan Pepe Garoomada, inkastoo dhawaciisa uusan noqon sidii horay loo saadaalinayay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale