1: Sunday, February 3, 2013 - 07:53:23
2: 340 Jeer.

Paul Scholes oo codsaday in loo soo celiyo Gaarigiisa

Waxaa Qoray:

paul-scholes

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Scholes ayaa ka codsaday burcadii gaariga ka qaadatay inay dib ugu soo celiyaan.

Paul ayaa laga qaatay gaari nuuca Chevrolet maalintii Isniintii intii u dhaxeysay 7:45am ilaa 8:am Xilliga UK waxaana uu u sheegay jariiradda Manchester Evening News in uu ka codsanayo dadkii gaarigiisa qaatay in ay u soo celiyaan.

“Qiimaha gaariga awgii uma dalbanaayo in la ii soo celiyo gaariga, laakiin hantideyda in uu ka mid yahay ayaan dareemayaa, qofkii qaatay meeshiisa ha isaga soo celiyo” ayuu yiri Scholes.

Gaariga ayaa kacsanaa xilliga la qaatay waxaana uu Scholes sheegay in middaas uu ka bartay in hadda kadib uusan ka tagi doonin gaari daaran.

Xiddiga Manchester United ayaa mid macquul ah ku tilmaamay in Gaarigiisa fowdo iyo in isaga lagu dhibo loo qaatay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale