Waxaa la aqristay: 143 Jeer.
Oriol Romeu oo inta ka dhiman xagagan ka maqnaan doona garoomada
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Xidiga ka soo jeeda gobalka Catalan ee wadanka Spain Oriol Romeu ayaa lagu soo waramaya in uu macsalaamo ku yiri taageerayashiisa markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibka kaas oo keenay in qaliin lagu sameyo.
Laacibkaan ayaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray daqiiqadii 19 aad kulan ay Chelsea kaga hor jeeday kooxda Sunderland todobaadkaan .
Dr. Ramon Cugat ayaa usheegay RAC1 oo Spain laga dhageysto in laacibkaan dhaawiciisa uu qadan doono mudo lix bilood ah ,taas oo la micno ah in uu garoomada ka maqnaan doono inta ka harsan xagagan.
Xidigii hore ee Barcelona ayaa awoodi waayay in uu ka mid noqdo kooxdii Chelsea ee usafartay Japan si ay uga qeyb gasho Club World cup.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨



