1: Friday, December 7, 2012 - 07:31:42
2: 193 Jeer.

Obi Mikel oo sadex kulan laga ganaxay Premier League

Waxaa Qoray:


FA-ga England ayaa ganaax dul dhigay Laacibka Khadka dhexe ee kooxda The Blues iyo xulka Nigeria John Obi Mikel kaddib markii dacwad been abuur ah uu ku soo oogay isagoo kaashanaya kooxdiisa lagu waayay Garsoore Mark Clattenburg.

Obi ayaa Garsoore Clattenburg oo dhex dhexaadinayay ciyaartii kooxdiisa Chelsea ay 3-2 guuldarro ah kala kulantay Manchester United Bishii October ee la soo dhaafay waxaa uu ku eedeeyey garsooraha in uu ku yiri erayo Midab takoor ah, taasoo markii la baarayna ku caddaan weysay garsoorahan.

Mikel ayaa sidaa awgeed lagu ganaaxay in 3-ciyaartood laga fariisiyo Horyaalka Ingiriiska, isla markaana uu bixiyo Ganaax lacageed oo dhan 60,000-Euro (96,600-Dollar).

Dhinaca kale kooxda Chelsea ayaa dhacdadaasi ka raalli gelisay dhammaan Qoyska Garsoore Clattenburg iyo saaxiibadiisa, .

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale