1: Wednesday, January 2, 2013 - 15:17:25
2: 541 Jeer.

Nin Xaaskiisa ugu Deeqay Sambab iyo Keli

Waxaa Qoray:

nin xaaskiisa kili ugu deeqay
Hadiyadaha lammaanayaasha qaarkood isu diraan ayaa inta badan dadku awoodin, balse David Whaymand oo u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa xaaskiisa oo la yidhaa Carolyn hadiyad ahaan u siiyey ciidda Kiristanka awgeed mid ka mid ah labadiisa kelyood, kadib markii loo sheegay in Carolyn keli shaqada joojisay.

Lammaanahan oo isku guursaday jacayl yaraannimo, isla markaana is-qabay muddo 15 sannadood ah, ayaa sidoo kale 13 sanno ka hor ugu deeqay xaaskiisa mid ka mid ah sambabadiisa.

Dhacdadan oo ah tii ugu horreysay nooceeda ee adduunka lagu arko, ayaa khubarada xubnaha dadka u kala beddelaa ay ku sheegeen inaannu jirin kiisas noocan ah oo soo maray caalamka, iyagoo xusay in arrintani tahay mid khatar ku ah labada lammaane, laakiin ay doorteen inay nolosha sidaas ku wada wadaagaan.

Qalliinka xubinta ugu dambaysay lammaanahan loogu kala beddelay oo ka dhacay Cusbitaalka Hammersmith oo ku yaal woqooyiga London ee dalka Ingiriiska, waxa ku baxay kharash dhan “500,000 (shan boqol oo kun lacagta Ingiriiska), waxaanay lacagtaas ka keeneen gurigooday iibiyeen.

Mr. David oo da’diisu tahay 39 jir, xisaabiyena ka ah Baanka J.P Morgan, ayaa wargeyska The Mail u sheegay; “Waxay igu yidhaahdeen waxay u dhexaysaa inay caafimaaddo amma bukaan ahaato. Markii aan guursaday Carolyn waxaan oogaa inay si fudud u dhiman karto haddii aanan xubnahayga ugu deeqin. Markay ii noqotay inay ku noolaan karto deeqdayda, kamaan leex-leexan, naftaydana waan u huray si aannu nolosha u wadaagno, kumanaan sii daawan karayn iyadoo dhimanaysa anigoo sambabkayga ugu deeqi kara”

Xaaskiisa Carolyn oo 42 jir ah oo arrintan wax laga waydiiyey iyadoo qeexi kari wayday deeqsinimada ninkeeda waxay tidhi; “Aad buu u iiga werweray, isagoo aan naftiisaba daryeelayn.

Ku dhawaad 1000 qof oo Ingiriiska ku dhaqan ayaa sannad kasta xubin ugu deeqa ruux ay jecel yihiin amma asxaabtooda.

Waxaa Qoray
Ibraahim khadar Sa´ed

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale