1: Thursday, December 6, 2012 - 09:03:15
2: 65 Jeer.

Nin ushaqeynaayay UN-ka oo lagala baxay gurigiisa oo ku yaala Baydhabo

Waxaa Qoray:


Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay gurigiisa lagala baxay sargaal ushaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala magaaladaasi.

Dad kusugan Baydhabo laguna kalsoonaan karo ayaa usheegay warbaahinta in ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan Korneel Mahad Cabdiraxmaan ay xalay gurigiisa kala baxeen Idiris Cabdi Dhagtar waxaana la ogeyn halkay la aadeen.

Xiriir aan la sameynay Ehelada Sargaalkaasi ushaqeynayey UN-ka ayaa waxay inoo sheegeen in wali lagu guda jiro baadi goobka Idiris oo la ogeyn meesha ciidamadu la aadeen ayna ula muuqato Afduub oo kale.

Korneel Mahad Cabdiraxmaan Adan oo ah Taliyaha Ciidamada Amaanka ee Magaalada Baydhaba ayaa waxa isagu diiday ka hadalka arintaasi waxaana saaka la hadal hayaa magaaladaasi sargaalkaasi gurigiisa xalay lagala baxay.

Dhawaan waxaa tagay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay Wafdi ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobeey kuwaasi oo kulamana la qaatay maamulka ka jira halkaasi waxaana qaarkood hay’adahaasi kol hore ka shaqo bilaabeen baydhabo hayeeshee lama oga waxay ka badali karto arintaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale