HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Wednesday, December 12, 2012 - 16:43:33
Waxaa la aqristay: 232 Jeer.

Nin qirtay dilkii guddoomiyihii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan

Waxaa Qoray:


Eedeysane ku xiran xabsiga magaalada Beledweyne loona haysto dilkii guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan Sheekh Muxumed Sheekh Xuseen (Marya-cadde) ayaa qirtay dhammaan eedaha lagu soo oogay, booliska ayaa sidaas sheegay.

Taliyaha qeybta booliska Beledweyne Kornayl Isaaq Cali Cabdulle ayaa saxaafada u sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Mukhtaar Xasan Maxamed uu ka hor qirtay saraakiil milateri oo Soomaali iyo AMISOM isugu jira inuu ku dilay marxuumka amar ka soo baxay kooxda al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in eedeysanaha lagu soo wareejiyay ayaga si ay u su’aalo dheeraad ah u weydiiyaan.

Mukhtaar waxaa la xiray wax yar kaddib dilkii guddoomiyaha oo ka dhacay magaalada Beledweyne dabayaaqadii bishii la soo dhaafay.

Kornayl Isaaq wuxuu intaas raaciyay in eedeysanaha ay soo dirtay kooxda al-Shabaab ee ku sugan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan si uu u dilo shaqsiyaadka la shaqeeya dowladda.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah taageerayaasha al-Shabaab oo ku noolaa Beledweyne uu hoy-siiyay gacan-ku-dhiiglaha, kana caawiyay inuu fuliyo dambiga ka hor intuusan u guurin magaalada Buulo-burte oo weli ay gacanta ku hayso al-Shabaab.

Sheekh Muxumed Sheekh Xuseen (Marya-cadde) waxaa lagu toogtay magaalada Beledweyne 27-kii November keliya hal maalin kaddib markii odayaasha dhaqanka ee gobolka ay u magacaabeen inuu noqdo hoggaamiyahooda

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale