1: Friday, February 22, 2013 - 18:28:09
2: 368 Jeer.

Nin Boorso ku Xaday Bisad oo ay soo wajahday Fadeexo.

Waxaa Qoray:

 

 

Ninkaani ayaa u dhashay Dalka Russia waxa uuna aad u jeclaa Bisad ay la haayen Cid isaga dariskiisa ah kadib markii Ninkaasi uu waayay Xoolo uu dhaqaaleysto.

Ninka xaday Bisada oo magaciisa lagu sheegay Jamous ayaa lagu soo waramaaya in uusan dhalin wax Caruur ah Balse uu jeclaa inuu xanaaneysto Xoolaha kuwooda la xanaaneysto

Mr Jamous oo Muddo Sadax maalin Siyaaro ku tagaayay Cida Bisada leh ayaa waxaa la arkay isaga oo bisada ku ritay Boorso uu sitay, Hayeeshee Jamous ayaa laga dacweeyay Saldhig ku ag-yaala Xaafadiisa.

Fadeexada soo wajahday Jamous ayaa noqotay mid saameysa Ehelka uu kasoo jeedo oo ahaa Reer Dhaqaale leh, waxa uuna Jamous galay Xabsi isaga oona lagu xakumay Lacg Dhan $600 isaga oona lagu wargaliyay in uu daaweyn doono Bisadaasi haddii ay xanuunsato Muddo Hal sanno Gudaheeda.

Si kastaba ha ahaatee Mr Jamous ayaa iminka la sheegay in Fadeexo darteed uu uga haray Asxaabtiisa islamarkaana Jaray Xiriirkii kala dhexeeyay Jaarkiisa ama Ehelkii dariska la’ahaa.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale