1: Wednesday, December 5, 2012 - 09:08:39
2: 240 Jeer.

Muwaadin udhashay Holland Oo Khalad Ka Dhashay Qaliin Lagu Sameeyay Ku Keenay Inuu Qosol Afka Isku Dari Waayo

Waxaa Qoray:


Nin u dhashay dalka Holland oo lagu magacaabo Haag Posey ayaa khalad ka dhashay qaliin dhawaan lagu sameeyay ku keenay in wax wayni iska badalaan dabeecadihiisi iyo hab dhaqankiisi nololeed, waxaana mar qudha uu ninkaasi isku rogay inuu noqdo sidii qof waalan oo kale oo aan qosol kala goynayn hadh iyo habeen.

Ninkan ayaa Qalin lagaga sameeyay qaybta neef mareenka gaar ahaan qaybaha sanka iyo afku ay iska galaan, waxaanay taasi ku keentay in wax is dhaafaan oo qaybta qosolka gaws danbeedku muuqdaa furanto xaaladiisuna isku badasho nin mar walba qoslaya.

Sida ay ku warantay shabakada wararka ee CBS xaaladan aan caadiga ahayn ee ninkan ayaa sababtay, in xigtada iyo ehelkiisu xitaa ka caajisaan booqashada iyo ka war hayntiisa, ka dib markii uu sidii qof is dhaafay oo kale afka isku dari waayay, qosol awgeed, kaas oo ah qosolka dadku aad u dhag dhagleeyaan.

Haweenayda u dhaxday oo shabakada uga warantay xaaladiisa ayaa sheegtay in odaygeedu uu ahaa ka hor intaan qaliinka lagu samayn, qof af gaabaan oo mararka qaarkood qosla, hasa yeeshee wixii ka danbeeyay markii uu qaliinka galay uu isu rogay sidii wax waalan oo kale qosolkuna aanu ka kala joogsan daqiiqad, taas oo dhalisay in dadka oo dhami cuqdad ka qadaan, kana maagaan inay ka soo war doonaan, xaalada uu galay oo ah mid aan la ag joogi karin.

Xaaska ninkan ayaa sheegtay in xitaa qoysku awood u waayay talo ay ka gaadhaan xaaladiisa oo qosolka ka dhacaya, awgeed laba hadal is waydaarsata laga waayay reerka oo dhan, mid ka mid ah dhakhaatiirta neerfayaasha ee dalka Holland oo arrintan wax laga waydiiyay ayaa sheegay in xaaladaha noocan ah ee aan caadiga ahayni, dhici karaan marka khal khal ku dhaco neerfayaasha ama xididada dareenka oo isku dhacoodu keeni karo, xalaado aan caadi ahayn oo kalgacal, farxad iyo wixii la xidhiidha ah, ama cadho, dagaal iyo iska war hayn.

Dhakhtarkan oo lagu magacaabo Dr. Eric ayaa ku taliyay in ninkan lagu sameeyo baadhitaan, nooca MRI-ga loo yaqaano ah, kaas oo lagu xaqiijin karo xaaladiisa iyo waxa sababaya ee hab dhaqankan u yeelay, isagoo dhakhtarkaasi sheegay in ay cadahay dhibaato dhinaca qaybaha dareenka ahi in ay ninkaas la soo darseen.

Waxaa Qoray
Faysal Maxamed Xasan

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale