Waxaa la aqristay: 410 Jeer.
Mustaqbalka Kieran Gibbs oo shaki la galinayo
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Kieran Gibbs Mustaqbalkiisa kooxda Arsenal ayaa shaki xoogan la galiyay kaddib markii uu kooxda soo caga dhigtay daafacii hore ee kooxda Malaga Nacho Monreal.
The Daily Mail ayaa ku warameysa in laacibkan loo keensaday sidii uu u buuxin lahaa booska uu ka dhaawacmay daafaca xulka England.
Arsene Wenger Tababaraha kooxda Arsenal ayaa laacibkaan u dhashay dalka Spain ciyaarsiiyey kulanka Premier League ee shalay kooxda Arsenal ay la ciyaartay Stoke C, iyadoona Gibbs uu sideed todobaad garoomada dhaawac ugu maqnaan doono kaddib markii uu dhaawac soo gaaray kulankii Liverpool ay la dheeleen Arbacadii la soo dhaafay.
Gibbs ayaa shaki la galiyay Mustaqbalkiiisa Ciyaareed maadaama mid ka mid ah Shanta daafac ee dunida ugu wanagsan mid ka mid ah ay heshay kooxda Arsenal.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
