HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Wednesday, December 5, 2012 - 08:58:52
Waxaa la aqristay: 23 Jeer.

Muqdisho oo looga dooday gar-gaarka bini’aadanimo ee Somalia

Waxaa Qoray:


Kulan looga hadlayay sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha lagu gargaarayo Howlaha bani’aadaninimada Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka kasoo qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya uu kamid yahay wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed iyo Masuuliyiin ka socota Laamaha gargaarka u qaabilsan qaramada Midoobay.

Stefano Porretti oo ah ku-simaha isu-duwaha gar-gaarka bini-aadanimo QM ee Soomaaliya, ayaa kulankaasi ka sheegay in Soomaaliya ay haatan u baahantahay Lacag dhan 1.3 Biliyan oo Dollar si loo caawiyo 3.8 Malyuun oo Barakacayaal Soomaali ah isalamrkaana u baahan in ay helaan gargaar bani’aadaninimo oo degdeg ah Saddexda Sano ee soo socota.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa xusay in Soomaaliya ay weli ka jirto dhibaatooyin farabadan oo heysta dadka barakacayaasha ah isagoo ka dalbaday hay’adaha gargaarka ka shaqeeya inay u gurmadaan waxa uuna beesha caalamka ka codsaday wasiirku inay si hagar la’aan ah u gacan qabtaan dadka dhibaateysan ee ku jira xerooyinka qaxootiga iyo kuwa barakacayaasha.

Waa kulankii ugu horreeyay ee dhaqaale lagu dalbanayo islamarkaana Magaalada Muqdisho ku dhex mara wasiirka Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha iyo Masuuliyiin ka socota Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

1 Comment for “Muqdisho oo looga dooday gar-gaarka bini’aadanimo ee Somalia”

  1. Amarra

    waxaan ka yaabay somali badan oo wadankii inta tagtay , ku faanaya intaaas oo goof ayaa la, ii sharciyeeyay oo aan soo ootay , qaxootiga wadanka dhoobana dhabaha jiifaan , war xaqdarada iska dhaafa , oo qaxootiga hala daryeelo, meeley ku hoydaan cuno iyo caafimaad , ha heleen, sidaan wada ognahay qurbaha aan u soo qaxnay 100 mitir wax le. eg ama kayar ayn ku noolnahyay famil dhan, waana nagu filantahay . goofafkaan tirada badan , ku sa daqeeyso walaalkaa kuwax waaya dagaaladi sokeeye ee wadanka , ka dhacy, xolhaan tirada badan ee aad wadankii ku abuurayso qaxootiga walaalaha, wax kasii_ hanti wadaag noqda.cashar ku qaata sistemka ay ku nool yihiin dowladaha hory u maray. ee idnku soo dhoweeyay wadama dooda.

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale