1: Thursday, February 21, 2013 - 12:27:17
2: 174 Jeer.

Muhaajiriin Soomaali oo muteystay ganaax lacageed iyo Xabsi.

Waxaa Qoray:

 

 

Maxkamad ku taala Dalka Malaawi ayaa waxaa la soo taagay 44-Muhaajiriin u kala dhalatay Dalalka Somalia iyo Tanzania, kuwaasi oo lagu eedeeynaayo inay si sharci dara ah ku joogen dalkaasi.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda (The Mzuzu Magistrate Court) oo ku taala Waqooyiga Malaawi ayaa ku xukumay Muhaajiriintaasi qofkiiba Ganaax lacageed dhan MK25,000 oo ah lacagta laga isticmaalo dalkaasi  iyo Xabsi min Saddax bilood ah.

Garsooraha oo ah Haweeney lagu magacaabo Lillian Munthali ayaa sidoo kale amar ku bixisay in Muhaajiriinta dib loogu celiyo dalalkooda markay dhameystaan xabsiga islamarkaana ay bixiyaan ganaaxa.

Wargeyska (Nyasa Times) ee ka soo baxa dalka Malaawi ayaa qoray in Booliska dalkaasi bilaaben Howlgal lagu soo qaqabanaayo Muhaajiriinta Shisheeyaha ee sida sharci darada ah ku soo galay dalkaasi.

Wargeyska wuxuu qoray in Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada (The Minister of  Environment and Climate Change), Jane Chilung, ayaa ku eedeeysay in dadka Reer Malaawi inay iyagu ka dambeeyan in Muhaajiriinta Shisheeyaha u fududeeyan si loogu soo tahriibiyo gudaha dalka Malaawi.   

Boolis farabadan ayaa Howlgalka ka bilaabay Dhul keymeed Masaafadiisu dhantahay 53,000 Hecteri oo ku yaala Waqooyiga dalkaasi, halkaasi oo inta badan Muhaajiriinta si dhuumaaleysi ugu soo galaan.

Sarkaal u hadla Booliska ayaa sheegay in Muhaajiriinta shisheeyaha Khatar ku yihiin amaanka Dalka Malaawi, wuxuuna xusay in talaabo laga qaadi doono dadka u sahla Muhaajiriinta sida ay kusoo gali lahaayen Dalka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale