HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, February 3, 2013 - 12:58:37
Waxaa la aqristay: 171 Jeer.

Milliteriga Somalia iyo Qurbo-joogta oo lagu booriyey inay u midoobaan La-dagaalanka Alshabaab.

Waxaa Qoray:

ss

Wasiirka Difaaca ee dalka Uganda, Dr, Crispus Kiyonga, ayaa ugu baaqay Ciiddamadda Qaranka Somalia inay xaliyaan khilaafkooda, isla markaana u midoobaan Difaaca Dalka iyo Kobcinta Dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka jeediyey Xaflad tababar loogu soo xirayey 551-Askari oo ka tirsan Ciiddamada Qaranka Somalia, kuwaasi oo tababar ku qaatay Dugsiga Tababarka Milliteriga Uganda ee Bihanga Millitaru Training School oo ku yaalla Degmadda Ibanda ee Galbeedka Uganda.

Wasiirka waxa uu ku booriyey Ciiddamadda tababarka loo xiray inay meel iska dhigaan khilaafka dhinaca Beelaha, isla markaana ay u midoobaan difaaca dalkooda hooyo.

Wuxuu kaloo ugu baaqay Qurbo-joogta Soomaalida inay iyagana dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, si ay uga qeyb galaan Dib-u-dhiska iyo Difaaca Qaranka.

Wasiirka Difaaca ee Uganda, waxa uu ammaanay Dowladaha ku jira Midowga Europe, oo uu xusay inay ka wada mideysan yihiin Qaddiyadda Somalia iyo sidii Dowladda Somalia looga taageeri lahaa Tababarida Milliteriga Qaranka (Somali National Army).

‘Hawlgalka Tababarka ee Midowga Europe (EUTM) waa tusaale wanaagsan oo muujinaysa sida ay Dowladaha Europe ugu wada shaqeynayaan Taageeradda Somalia ee Ciiddamadda Qaranka lagu tababaryo’ ayuu yiri Crispus Kiyonga, oo dhinaca kale ugu baaqay Deeq-bixiyayaasha Caalamka inay mideeyaan Taageeradooda ku aadan Dib-u-dhiska Somalia.

Dhinaca kale, Ciiddamadda Somalia ee tababarka ugu soo dhamaaday dalka Uganda, ayaa lagu wadaa inay dhawaan soo gaaraan magaalladda Muqdishu, si ay ugu biiraan Ciiddamadda  Somalia (SNA) ee dagaalladda kula jira Maleeshiyadda Alshabaab ee Ururka Alqaacida ku xiran.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

1 Comment for “Milliteriga Somalia iyo Qurbo-joogta oo lagu booriyey inay u midoobaan La-dagaalanka Alshabaab.”

  1. kayse

    waxaan rabaa in aan waaniyo wiil warkaan soo qaray qurba joogbaad kahadashay anaga ayaa qurbaha joogna kitaabka alena garab taagan hadii dowlada gaalo ay wadato shabab alle ayaa kutiirsanyihin jidka alle ayayna ku dagalayaan
    waligeed bay gaal maciin baday kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    mawaxaad moogtahay in aan laga adkaan qofka jidka alle kudagalamaya
    aloow alle horaa gaaloo dhan udamceen in ay cirib tiraan mujahidiinta taliban iyo kuwa kaloo badanba waadna aragtaa natiijadeeda anigu waxaa kula talinaa somalia hadii nabad larabo kitaabka hala qaato hadii kle dagaalku waa soconaa ilaa galada wadanka laga saaro waxaa aoo carfaya waqtigii gaalo jabi lahay inshalaah waan ogahay dad badan ayaa ka naxaya hadii gaaladu jabto layaab malahn horay ujireen munafiqiin iyo murtadiinba lkin ciribtooda waa la ogyahay waxa udanbeeya saxafiyaasha waxaan kula talina in aysan cadwga alle tageerin oo rabigood abuurtay kabaqaan ilee alle wuxuu yiri galadu waa cadwgayga ninkii lasaftana waa lamid

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale