HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Wednesday, December 12, 2012 - 16:49:24
Waxaa la aqristay: 326 Jeer.

Mid ka mid ah madaxda Al Shabab oo ka hadlay dagaalka Puntland iyo Al Shabab

Waxaa Qoray:


Shiikh Cabdulqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha dhanka diinta ee al-Shabaabka ku sugan buuraha Golis ayaa waraysi siiyey mid kamid ah mareegaha taageera xarakada al-Shabaab, waxaana uu ka hadley xaaladda al-Shabaabka ku sugan buuraha Golis, dagaaladii u danbeeyey ee dhacay.

Cabdulqaadir Muumin ayaa sheegay in dagaalkii Sugurre kadib ciidamo ka tirsan PIS ta iyo kuwo badda ay ka soo wareegeen dhanka Laasqorey oo ay soo gaareen meel la yiraahdo Macag iyaga oo isleh dhankaas ka dheber jebiya, laakiin waana kala eriney iyagana auu yiri Cabdulqaadir Muumin. Cabdulqaadir Muumin ayaa waraysigiisa uga hadley xaaladda Puntland khilaafka taagan nidaamka xisbiyada, balanqaadyada horumarka ee siyaasiyiintu sameeyaan, waxaana uu gaaleysiiyey dhamaan siyaasiyiinta mucaarad iyo madaxda hadda joogta iyo cidkasta oo ka qaybqaadatada waxyaabaha ay wadaan.

Cabdulqaadir Muumin oo horey ugu noolaan jirey dalka Ingriiska ayaa u wareegay Koonfurta Soomaaliya halkaas oo ka mid noqdey al-Shabaab, muddo kadib waxa uu u wareegay al-Shabaabka ku sugan buuraha Golis maadaama uu ka soo jeedo Gobolka Bari, waxaana imaantinkiisa xaqiijiyey xarakada al-Shabaab, iyo isaga oo marar waraysi hore bixiyey, maamulka Puntland waa ka hadleen arrintaas.

Marka waraysiga laga qaadayey Shiikh Cabdulqaadir Muumin ayaa la sheegay in uu ku sugan yahay meel kamid ah buuraha Golis laakiin ma jirto wax caddeyn kara. Inkasta oo ay muuqato in waraysigan la qaadey kadib dagaalkii Sugurre kadib, 5/1272012

Dhawaan ayey ahayd markii koox ka tirsan al-Shabaab ay soo gaareen togga Sugurre, waxaana ay weerar ku aadeen ciidanka Daraawiishta ee Puntland ee halkaas ku sugnaa iyada oo weerarkaas uu xigey gaari ciidan saarnaa oo miino la kacdey kaas oo ay ku dhinteen 10 askeri.

Warsaxaafadeed maamulka Puntland soo saarey ayey ku sheegeen in ay weerar kuq aadeen al-Shabaabka ku sugan buuraha Golis, isla markaana ay ka saareen halkaas.

Si kastaba ha ahaatee Xarakada al-Shabaab ayaa 8 bilood ee u danbeysey ku xoogeysanayey buuraha Golis.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale