1: Thursday, February 21, 2013 - 18:47:19
2: 719 Jeer.

Mezut Ozil oo Facebook ku amaanay Boateng, kaddib guushii Milan!!

Waxaa Qoray:

Boateng-and-Ozil

Mesut Ozil xiddiga kooxda Real Madird ayaa ku ammaabay laacibka qadka dhexe ee kooxda AC Milan adeegga Xiriirka Bulshada ee Facebook, kaddib guushii ay kooxda Milan ka gaartay kooxda reer Spain ee Barcelona.

Kubad qaabeeyaha kooxda Madrid Mesut Ozil ayaa ammaan kala dul dhacay qadka dhexe ee Milan Kevin-Prince Boateng kaddib wacdarihii la yaabka lahaa ee uu dhigay kulankii xalay ay AC Milan 2-0 ku dardartay kooxda Barca.

“Bandhig wayn oo ka yimid Saaxibkey Boateng ayaa Milan u horseeday guusha”. ayuu Mesut Ozil soo dhigay Boggiisa Facebook-ga.

Kooxda AC Milan ayaa guul aan la filayn xalay ka gaartay kooxda Barcelona, iyadoo ciyaar aad loo jeclaystay soo bandhigtay, waxaana Kevin-Prince Boateng ciyaaryahannadii ka tilmaannaa kooxda Milan taasoo keentay in ciyaaryahanno uu ku jiro Ozil ay ammaan u jeediyaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale