Waxaa la aqristay: 495 Jeer.
Messi oo xalay guul uhorseeday Barcelona ,iyo Real Madrid oo la garacay
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Barcelona ayaa xalay si sahal ah 2-0 kaga badisay kooxda Cordoba ee Kooxaha heerka 2-aad ee Spain ciyaar ka tirsanayd lugtii hore ee Wareegga 16-ka Koobka Boqorka Spain ‘Copa Del Rey’.
Ciyaartan oo lagu ciyaarayay garoonka Cordoba ee ‘ Nuevo Arcángel’ ayaa waxaa labada gool ee Barcelona u dhaliyay Laacibka ugu wanaagsan Dunida ee 3-dii sano ee ugu dambeysayna ku guuelystay Kubadda Dahabka ah Lionel Messi daqiiqadihii 11-aad iyo 74-aad.
Goolashani ayaa waxay Messi u ahaayeen kuwo uu ku sii kordhistay Rikoorkiisa goolasha uu dhaliyay sanadkan 2012 kuwaasoo haatan gaaray 88-gool, isagoo toddobaadkanna jebiyay Rikoorkii Gerd Muller-kii Jarmalka ee sanad gudihiisa 1972-kii ku dhaliyay 85-gool.
Dhinaca kale kooxda Celta Vigo ayaa iyaduna isla ciyaar ka tirsan Copa Del Rey waxay xalay afka ciidda u dartay kooxda Real Madrid ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku guuleysatay Horyaalka La Liga-ha Spain iyadoo uga adkaatay 2-1.
Natiijooyinkii Ciyaarihii xalay ee Copa Del Rey:
12/12/2012 Athletic Bilbao 1 – 1 Eibar
Arruabarrena (Eibar/Rigoore), 89′ Aduriz.
12/12/2012 Cordoba 0 – 2 Barcelona
11′ Lionel Messi, 74′ Lionel Messi.
12/12/2012 Mallorca 0 – 5 Sevilla
13′ Negredo, 18′ Negredo, 26′ Medel, 47′ Botia, 85′ Rodriguez.
12/12/2012 Atletico Madrid 3 – 0 Getafe
18′ Costa (Rigoore), 80′ Filipe, 87′ Costa.
12/12/2012 Celta de Vigo 2 – 1 Real Madrid
56′ Bermejo, 78′ Bustos, 87′ Ronaldo (Real)
Waxaa Qoray
Yaxye Yuusuf
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨