1: Wednesday, December 12, 2012 - 13:19:33
2: 775 Jeer.

Maxaad ka taqanaa Tobanka qof ee dunida ugu taajirsan sanadkan 2012 ?

Waxaa Qoray:


Maalqabeenimada ama Tujaarnimadu waa riyo uu qof kasta ku taamo nolashiisa, laakiin in sidaasi la noqdo waxay ku xiran tahay nasiib iyo shaqo adag oo qofku u dhaqaaqo taasi oo ka dhigi karta qofka in uu taajir noqdo, waxaase haatan dunida ugu cad cad dad hantidoodu aanay is aqoon oo loo aqoonsadey Tujaariinta dunida.

Wargeyska Forbes ayaa dhawaan shaaciyey dadka sanadkan 2012-ka loo aqoonsadey in ay yihiin dadka ugu hantida badan dunida, waxaana qormadan ku soo qaadaneynaa 10-ka qof ee ugu horeeya dadka dunida ugu qannisan.

Carlos Slim Helu
Hantidiisa $ 69.0 Bilyan

Carlos Slim oo dhashay 28-kii January 1940-kii una dhashay wadanka Mexico wuxuu ilaa iyo sanadkii 2010-kii haystaa darajada qofka dunida ugu taajirsan, wuxuuna horyaalnimada hantiilaha ugu horeeya dunidda uu kala wareegay Bill Gates .

Sanadkii la soo dhaafay hantidiisu waxay gaartey 74 bilyan, laakiin dhibaato dhaqaale ee xiligan dunida ka aloosan ayaa hantidiisa saameysay iyadoo u soo dhacdey 69 bilyan.

Carlos wuxuu ku jiraa ganacsi aad u fara badan waana mulkiilaha shirkaddo fara badan oo dhanka Isgaarsiinta oo ku yaal Mexico,sidoo kale waa gudoomiyaha América Móvil oo ah shirkada Mobile-da ee dalka Mexico & waliba tan Telmex oo iyana dhanka Isgaarsiinta ah ee isla wadankaasi.

Carlos Helu asalkiisu wuxuu ka soo jeedaa dalka Lubnaan Aabihiis oo lagu magacaabi jirey Khalil Salim Haddad Aglamaz,wuxuu ahaa Muhaajir Lubnaan ka soo haajiray sanadkii 1902-dii, isagoo 14 sano jir ah, waxaase markii uu dalka Mexico yimid uu iska badaley magaciisii isagoo u badashay Julián Slim, iyadoo xiligaasi ay aheyd wax dhif iyo naadir in qof da’diisu ka yar tahay 15 sano dibada looga diro dalka Lubnaan, taasi oo ay aheyd mid ay ka soo horjeedeen ciidamadii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee (Ottoman Empire) ee Lubnan xiligaasi xukumayey.
Laakiin xiligii Haddada uu tagey Mexico waxaa uga sii horeeyey afar qof oo ay walaalo ahaayeen oo ka waa weynaa, waxaana mudo ka dib ay isguursadeen Linda Helu oo iyadu qudheedo ka soo jeeday qoys soo galooti ah oo ka yimid Lubnaan dhamaadkii qarnigii 19-aad.

Waalidkeed markii ay tageen Mexico waxay halkaasi ka hirgaliyeen wargeyskii ugu horeeyey ee Af-Carabi ku soo baxa oo loogu tala galay dadka Mexico-kaanka Lubnaan.

*Bulshada Carabta ee Mexico waxaa kaloo ka mid ah dadka caanka ah Gudoomiyaha Golaha Feerka aduunka (World Boxing Council), Mr José Sulaimán Chagnón.

2. Bill Gates
Hantidiisa : $ 61.0 Billion

William Henry Bill Gates waa 56 sano jir u dhashay Mareykanka, ahna La aas-aasaha iyo Gudoomiyaha shirkada Microsoft oo ah shirkadda ugu weyn dunida ee soo saarta Barnaamijyada ay ku shaqeeyaan Computer-da.

3. Warren Buffett
Hantidiisa : $ 44.0 Billion

Warren Buffet oo 82 sano jir ah una dhashay wadanka Mareykanka ayaa noqdey qofka sadexaad ee dunida ugu hantida badan, sanadkii 2008-dii ayuu noqdey qofka dunida ugu taajirsan, laakiin wixii sanadkaasi ka dambeeyey jeebwaynayaal kale ayaa xilkaasi kala wareegay, hase yeeshee sadexdii sano ee ugu dambeysay waxaa laga dhaqaajin la’yahay kaalinta sadexaad ee Tujaarka aduunka.

Ninkan maanta ah qofka sedexaad ee ugu taajirsan wuxuu ka soo bilaabay sameynta lacagta uu ku qabsadey darajadan isagoo 11 jir ah in uu dariiqyada deegaankii uu ku noolaa ku wareejin jirey waxyaabo uu doonayey in laga iibsado sida Xanjo, Coca-Cola, iyo waliba wargeysyada todobaadlayaasha ah,sidoo kale mudo ayuu shaqaale ka ahaa dukaan uu lahaa awowgiis oo lagu iibin jirey Qudaarta.

Sanadkii 1945-kii ayuu helay lacagtii ugu badneyd ee uu ka kaydiyey shaqadiisii wadooyin wareega ah, wuxuuna urursadey 35 doolar, lacagtaasi ayuuna ka bilaabay hantida uu haysto, taasina waxay muujinaysa sida ay muhiim tahay in uu qofku mihnad shaqo abuurto, waana halka ay Soomaali uga maahmaahdey “Xagllo Laaban xoollo kuma yimaadaan”.

4. Bernard Arnault
Hantidiisa : $ 41.0 Billion

Bernard Arnault oo 63 sano jir ah wuxuu u dhashay wadanka Faransiiska wargeyska Forbes ayaa hada ka hor ku tilmaamey ninkaasi in uu yahay qofka ugu taajirsan qaarada Yurub, laakiin ninkan wuxuu kaalinta afaraad uga jiraa taajiriinta dunida.

5. Amancio Ortega
Hantidiisa: $ 37.5 Billion
Amancio Ortega oo ah 63 sano jir u dhashay wadanka Spain ayaa noqdey qofka shanaad ee dunida ugu hantida badan, laakiin wadankiisa Spain waa qofka labaad ee ugu hantida badan.

6. Larry Ellison
Hantidiisa : $ 36.5 Billion

Larry Ellison way yar inta badan eea laga yaqaan waa Billionaire u dhashay wadanka Mareykanka da’diisu waa 68 sano jir, Larry Ellison oo ay iska dhaleen haweenay Yuhuud ah oo iyadoo 19 sano jir ah guur la’aan uu ku uureeyey nin Talyaani ahaa oo ahaa duuliye diyaaradeed.

Florence Spellman oo aheyd ninkan Hooyadiis waxay isku ogaatey inay uur leedahay, sagaal bil ka dib markii ay dhashay waxay xaqiiqsatey in wiilkeeda anaay xanaaneyn karin iyadoo geysay goobaha ilmaha lagu xanaaneeyo, waxaa halkaasi ka qaatey Lillian Spellman Ellison and & Louis Ellison oo ahaa qoys soo galooti ku ahaa wadanka Mareykanka kuwaasi oo ka yimid wadanka Ruushka, waxaana ay deganaayeen magaalada Chicago.

7. Eike Batista
Hantidiisa : $ 30.0 Billion

Eike Batista oo 56 sano jir ah una dhashay wadanka Brazil ayaa noqdey qofka todobaad ee dunida ugu hantida badan, waxaana ninkan uu ka sameeyey dhaqaalahan Gaaska & Oil-ka laga soo saaro dalkaasi, isagoo madax ka ah shirkada soo saarista shidaalka dalkaasi ee EBX Goup.

Batista waa qofka koowaad ee ugu hantida badan wadanka Brazil, sanadkan 2012 ayuuna soo galey kaalintta todobaad ee Tujaariinta dunida.

8. Stefan Persson
Hantidiisa : $ 26.0 Billion

Stefan Persson oo ah 64 sano jir u dhashay wadanka Sweden ahna Gudoomiyaha Saamilaha ugu weyn shirkada H&M ee fashion-ka sameysa ayaa noqdey qofka 8-aad ee ugu hantida badan dunida, isagoo Aabihiis uu ahaa aasaasihii shirkada H&M.

9. Li Ka Shing
Hantidiisa : $ 25.5 Billion

Ka Shing Li oo ah 84 sano jir u dhashay Chine (Jasiirada Hong Kong) isla markaana haysta dhalashada Canada ayaa noqdey qofka 9-aad ee ugu Taajirsan dunida, waxaana hantiidiisa lagu xisaabay 25.5 Bilyan oo doolar.

Li Aabihiis wuxuu dhintey isagoo 15 sano jir ah, waxaana xiligaasi ka dib uu dhabarka u ritay masuuliyada qoyskooda, isagoo ka shaqeyn jirey warshada caagaga farsameysa, wuxuna shaqeyn jirey 16 saacadood.

Sanadkii 1950-kii ayuu iskiis u sameystey shirkada farsameysa caagaga, ilaa ay ka noqotey shirkad weyn oo horumartey.

Li wuxuu ganacigiisu taabanaysaa qayb kasta oo ka mid ah ganacsiga Shiinaha, ka soo bilow Qalabka Korontada ilaa Isgaarsiin, dhismaha guryaha, Dukaamada waa weyn, Internet & ganacsi kale oo fara badan.

Inkastoo uu da’daasi joogo Li ee 84 sano jirka ah, hadana wuxuu aroortii toosaa 6-da subaxnimo, isagoo sheegay in waqtigan uu yahay waqtigii uu hurdada ka kici jirey markii uu shaqaalaha ahaa iyo markii uu hantidan faraha badan ee uu leeyahay uu abuurayey, isagoo wali ay ku qufulan tahay saacadii uu shaqi tagi jirey.

10. Karl Albrecht
Hantidiisa : $ 25.4 Billion

Karl Hans Albrecht oo 92 sano jir ah una dhashay wadanka Jarmalka ayaa galey kaalinta 10-aad Hantiilayaasha dunida, ninkan waxaa isaga iyo walaalkiis ay aasaaseen dukaanka weyn ee Aldi ee laga dukaamaysto, laakini sanado ka dib isaga iyo walaalkiis dukaankaasi ayay laba qayb u kala qaateen iyagoo magacaasi aan ka tagin una kala bixiyey Aldi Sud & Aldi Nord.

Karl dukaankiisu Aldi Nord wuxuu xarumo ku leeyahay aduunka iyadoo tirade dukaamadaasi ay gaarayaan 4500, dalka Mareykanka oo kaliya waxaa ku yaal 1200 oo dukaamo.

Waxaa Qoray
Mowliid Xaaji Cabdi

 

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale