1: Thursday, February 21, 2013 - 12:19:35
2: 326 Jeer.

Mataanayaal Soomaali maal-galin jirtay Kooxda Al-Shabaab oo la maxkamadeynaayo.

Waxaa Qoray:

 

Laba nin oo mataana ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somalia ayaa la soo taagay Maxkamad ku taala Magaaladda AARHUS ee Dalka Denmark, kuwaasi oo lagu eedeeynaayo inay Dhaqaale ku taageeri jireen Kooxda Alshabaab somalia.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay in labadaasi nin ay tababaro argagaxisnimo ku soo qaaten Xirooyinka Kooxda Al-shabaab ku leedahay Somalia.

Wargeyska (The Copenhagen) ee ka soo baxa Dalka Denmark ayaa qoray in kan ugu weyn mataanayaasha lagu eedeeyay inuu dabayaaqadii Sanadkii 2011-kii ilaa bilowgii Sanadka 2012-kii uu dhowr bilood tababar argagixisinimo ku soo qaatay Xirooyinka Alshabaab.

Sidoo kale Mataanaha yar ayaa lagu eedeeyay inuu dhaqaalo u diri jiray walaalkiis mudadii uu tababarka ugu maqnaa Gudaha dalka Somalia.

Garyaqaanka labada mataano oo lagu magacaabo Finn Sogaard, ayaa sheegay inaysan xeer ilaalinta Maxkamadda soo bandhigin waxyaaba xaqiijinaayo Eedeeymaha loo heysto labada mataano, ee magacyadooda la qariyay.

Labada mataano oo da’dooda kala tahay 19-Jir iyo 24 Jir, ayaa waxay xirnaayen tan iyo Bishii May ee sanadkii la soo dhaafay

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale