HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Friday, March 22, 2013 - 11:00:17
Waxaa la aqristay: 575 Jeer.

Maraykanka:- Tv-yada iyo Warbaahinta Somalia iyo Baadigoobka Argagixisada.

Waxaa Qoray:

 

 

rrrrrrrSarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii taageero caalami ah loogu heli lahaa Baadigoobka lagu doonayo in lagu soo qabto Xubno ka tirsan Kooxaha Argagixisada.

Hadalka Sarkaalkaas ayaa yimid hal maalin kadib, markii la shaaciyay inay Dowladda Maraykanka ku bixineyso Malaayiin Dollar oo Abaalmarin ah, sidii   loo soo qaban lahaa Laba Jihaadiiste Maraykan ah oo lagu kala magacaabo Omar Shafik Hammami (Abu Mansuur Al-amriki) iyo Jehad Serwan Mustafa, oo iyagu ka barbar dagaalama Kooxda Al-qacidada Somalia ee Alshabaab.

Wargeyska Foreign Policy Magazine, ayaa qoray in Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka uu sheegay in la qaadayo Talaabooyin lagu doonayo in Warbaahinta Somalia iyo Kenya loo adeegsado in lagu soo gudbiyo Macluumaad la xiriira sidii dadweynaha gacan uga geysan lahaayen soo qabashada Xubnaha Argagixisada ah, gaar ahaan Abu Mansuur Al-amriki  iyo Jehad Serwan Mustafa, oo madaxyadooda la dul dhigay min 5-million oo Dollar.

Sarkaalka ayaa sheegay in xeelada Warbaahinta loo adeegsanayo sidii ay dadweynaha u soo gudbin lahaayen Macluumaad la xiriira labadaasi Jihaadiste.

Sarkaalka ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda oo aan fasax u haysan inuu la hadlo saxaafadda ayaa u sheegay Wargeyskaasi in Telefishinada iyo Wargeysyada ee Dalalka Somalia iyo Kenya lagu wado in Isbuucyada soo socda lagala munaaqashoodo sidii uu u dhaqan geli lahaa baahinta Hal-ku-dhegyada la xiriira Baadigoobka Argagixisada.

Sarkaalkaasi waxa kaloo uu u sheegay Wargeyska inay Waaxda Arrimaha Dibedda ku tallo jirto in Hal-ku-dhegyadaas laga baahiyo idaacadaha iyo Warbaahinta Bulshada ee dalalka Somalia iyo Kenya.

”Hadafka waxa uu yahay in Warbaahinta Maraykanka ka hadasho dadka Maraykanka ee la baadigoobayo, kuna  lugta leh Argagixisada iyo in fariinta la gaarsiiyo Mujtamaca Soomaaliyeed ee ku nool goobaha ka baxsan Maraykanka” ayuu yiri Sarkaalkaas.   

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa diyaarisay qoraalo iyo Sawirada Argagixisada la baadigoobayo, iyadoo qoraaladaasi lagu turjumay Luqadaha Somali, Arabic iyo French.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

3 Comments for “Maraykanka:- Tv-yada iyo Warbaahinta Somalia iyo Baadigoobka Argagixisada.”

  1. fadi

    cali nijaaas na halagu daro qarashka lagu soo qabanayana, Somali oodhan ayaa qabta,
    kaas naafo ayuu ka dhigay somali oodhan araxduu gooyaya. dalkiina qashin qub ayuu ka dhigay ..

  2. nabadaa naasla nuuga leh

    o cali dheere cali shaydaan maxaa looga reebay kaas ayaaba ugu daran waliba kaas in 10 malyan la dul dhigo ayaa fiicneed dhaqso ayaa la soo qaban lahaa duliga gafuurka madoow

  3. saynab

    INTAAN WEJIGOODA HADII ADUUNYADA LA, DHAAFIYO, WAA LA, QEEYRAYAA!
    WAXAY ILAAWEEN, LABADII INDHA GAD-GADUUDNEEYD MAGACAYADOODA AYAAN ILAAWAY, kuwi somali naafeeyay.

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale