HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, March 10, 2013 - 08:55:51
Waxaa la aqristay: 533 Jeer.

Manchester United – VS- Chelsea

Waxaa Qoray:

chel vs unitedLabadaan kooxood ayaa mid kasto waxa ay dooneysaa inay iska meerta guul darooyinkii ka soo gaaay tartamada waana midaas tan xiisaha uyeeli doonta kulankaan ka tirsan wareega 8-da ee koobka FA Cup-ka

kooxda Red Devils ayaa waxa ay noqon doontaa kulankan koox dhiig la ‘aan ah maadama ay ka careysan tahay ka soo haristii koobka Champions League, halka kooxda Blues ay booqan doonto garoonka Old Trafford iyada oo aan gool ka dhalin koobka FA Cup garoonkaan tan iyo sanadkii 1963.

Ogeysiiska ciyaarta

Tartanka: FA Cup

Kooxaha: Manchester United – VS- Chelsea

Garoonka: Old Trafford — Manchester

Garsooraha: H. Webb‎

Saacada geeska Afrika: 7:30

Sir Alex Ferguson ayaa raba in uu fursado siiyo ciyaartooydii ku soo qasaartay kulankii Real Madrid habeenkii talaadada, Wayne Rooney oo kulankaas si layaab leh keyd u galay ayaa kulankan ku soo bilaaban doono.

Chris Smalling ayaa dhamaan ku soo bilaawday daafaca kooxda Manchester United tartankan FA Cup sidoo kale waxaa ku lamaan sanaa ciyaaryahanka Jonny Evans .ciyaaryahanda Antonio Valencia, Anderson iyo Shinji Kagawa ayaa lagayaba in ay ku soo bilaawdan kulankan .

Phil Jones ,Paul Scholes Darren Fletcher ayaa ka maqan kooxda United ee ka hor tageysa Chelseea .

Rafa Benitez oo kursiga keydka galiyay Juan Mata kulankii koobka Europa League ay ka hortageen kooxda Steaua Bucharest iyo Demba Ba oo sharciga kulankaas ka reebay ayaa kulankaan ku soo bilaaban doono.

Chelsea ayaa waxaa ka dhaawacan hal ciyaaryahan oo kaliya waana ciyaaryahanka Oriol Romeu oo jilibka ka dhaawacan

Ashley Cole ayaa kulankaan ku soo laaban doono kooxda ka dib markii loo nasiiyay kulankii ka dhacay Romania.

kabtanka kooxda John Terry ayaa ku soo bilaawday dhamaan kulamada FA Cup ay kooxda Blues ciyaartay tan iyo markii uu dhaawaca ka soo laabtay waxaana laga yaabaa in lagu lamaaniyo kulankaan Gary Cahill.

Mala socotaa?

Guul daradii Real Madrid ayaa soo af jartay 18 kulan oo aan laga badin kooxda Man United dhamaan tartamada .

Kooxda Red Devils ayaa dhalisay ugu yaraan sadax gool afartii kualn ee ugu dambeysay oo ay la qaadatay kooxda Chelsea dhamaan tartamada, halka ay is ka dhaliyeen 14-gool labadaan koxood xili ciyaareedkan.

Chicharito ayaa sugaya in lagu soo bilaabo kulan, xidiga wadanka Mexico ayaa dhaliyay shan gool lixdii kulan ee ugu dambeysay ee uu ka hor tagay Chelsea .

Robin van Persie ayaa hal gool dhaliyay sidedii kulan ee ugu dambeysay.

Blues daafaceeda Ashley Cole ayaa ku guuleystay koobka FA Cup in ka badan dhamaan ciyaartooyda waana 7 jeer

Chelsea ayaa u ambabaxday garoonka Old Trafford shan mar iyada oo ciyaareysa koobka FA Cup dhamaantoodna ma ay san adkaan; kooxda Blues afar ka mid ah kulamadaas waa laga adkaaday ,waxaana dhamaantood laga dhaliyay min hal gool ,daqiiqadii 70aad ayaa weeraryahanka taageerada leh Dennis Sorrell ka dhaliyay gool bishii maarso sandkii 1963 kadibna Chelsea Old Trafford gool kuma dhalin FA Cup-ka .

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo

MANCHESTER UNITED

De Gea
Rafael • C. Smalling • J. Evans • P. Evra
T. Cleverley • Anderson
A. Valencia • W. Rooney • S. Kagawa
J. Hernández

CHELSEA

P. Čech
Azpilicueta • G. Cahill • J. Terry • A. Cole
F. Lampard • Ramires
Oscar • Mata • E. Hazard
D. Ba

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale