1: Friday, February 22, 2013 - 17:29:26
2: 856 Jeer.

Man United oo markii ugu horeysay shaacisay qiimaha ay ku soo ceshan doonto Ronaldo

Waxaa Qoray:

ron vs crickMudo kadib kooxda Manchester United ayaa la sheegay in ay diyaar utahay in dib usoo ceshato laacibkeedii hore Cristiano Ronaldo ,kaas oo 2009-kii ku biiray kooxda Real Madrid ee wadanka Spain.

Kabtan Portugal ayaa £80milion ugu dhaqaaqay kooxda caasimada Spain ee Madrid laakin waxaa uu sheegay dhowaan in uusan ku faraxsaneyn Real Madrid .

Kooxda hogaamineysa Premier League ayaa ku dooneysa laacibkeedii hore in ay ku soo qaadato aduunn dhan £55milion ,waxaana uu noqon doonaa laacibkii ugu qaalisanaa oo ay soo iibsato koox Ingriis ah .

United ayaa dooneysa in Ronaldo ay sare uqaado mushaarkiisa waxaana uu noqon doona ninka kooxda ugu mushaarka badan ,isagoo ka sara mari doona Wayne Rooney oo asbuucii qaata £220,000 sidaas waxaa shegtay The Sun.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa ubaahan wiilkiisii hore oo hada 28 jir ah waxaana la sheegay in ay xiriir fiican leeyihiin labada nin.

Waa markii ugu horeysay oo United ay shaaca ka qaado qiimaha ay ku rabto Ronaldo.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale