Waxaa la aqristay: 90 Jeer.
Man City oo xaaqday Barnsley xili uu Tevez dhaliyay sadexley
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Kooxda Manchester City ayaa usoo gudubtay wareega semi final-ka ee koobka FA Cup-ka kadib markii ay daadka raacsiisay kooxda Barnsley.
City ayaa keydkii goolasha ku fatahaday kooxda heerka labaad ee Barnsley waxaana iftiinka ciyaarta ahaa weeraryahanka Argentina Carlos Tevez .
Kooxda tababare Mancini ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 11 aad markii uu gool udhaliyay Carlos Tevez waxaana 16 daqiiqo kadib ciyaara 2-0 ka dhigay Kolarov.
Tevez ayaa ciyaarta ku amray in qeybtii hore lagu kala nastay 3-0 waxaana markii la isku soo laabtay ay City sii waday qaab ciyaareedkeedii wanaagsanaa waxaana 4-0 ka dhigay Tevez oo dhaliyay sadex leey .
David Silva ayaa soo qatimay bandhigii Man City waxaana uu dhaliyay goolka 5 aad waxaana ay City usoo gudubtay wareega 4 dhamaadka ee koobka FA Cup-ka kadib markii ay Barnsley kaga adkaaday 5-0.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨