Waxaa la aqristay: 783 Jeer.
Man City oo iibineysa afar ka mid ah xidigaheeda si ay usoo iibsato Edinson Cavani
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Kooxda Manchester City ayaa suuqa dhigi doonta bisha July afar ka mid ah xidigaheeda ,si ay usoo iibsato weeraryahanka kooxda Napoli Edinson Cavani.
Xidigaha Maicon, Joleon Lescott, Edin Dzeko iyo Scott Sinclair ayaa suuqa kala iibsiga la soo dhigi doonaa waxaana ay kooxdu dooneysa in ay ka hesho lacago muhiim ah oo ay kusoo iibsan karto Edinson Cavani oo ay kooxdiisu ku qiimeyso aduun dhan £52million.
Gudoomiyaha fulinta ee kooxda Man City Ferran Soriano iyo agaasimaha ciyaaraha Txiki Begiristain ayaa ka dooday qaabka kooxda ay ku heli karto ciyaartooy tayo leh iyo badalkii Mario Bolatelli.
Wax yaabaha ay isla meel dhigeen labada nin ayaa waxaa ka mid ahaa in kooxda ay hesho Edinson Cavani iyo Marouane Fellaini waxaana ay isla garteen in la iibiyo Maicon, Joleon Lescott, Edin Dzeko iyo Scott Sinclair.
Waxaa sidoo kale la iska fasixi doonaa Roque Santa Cruz, Wayne Bridge iyo Kolo Toure oo heshiiskoodu uu dhacayo dhamaadka xagaagan ,tiiyoo ay jirto in si gooni ah loo fiirin doono dhaq dhaqaaqa Gareth Barry, Javi Garcia, Aleksandar Kolarov iyo Samir Nasri
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
haaa waxaadna ku soo dartaan neymar viva city