HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Wednesday, December 5, 2012 - 09:20:27
Waxaa la aqristay: 184 Jeer.

Magacaabistii Maamulka Jubbooyinka oo soo dhowatay

Waxaa Qoray:


Maamulka gobollada Jubbooyinka ayaa sida ay ku waramayaan masuuliyiinta Jubba Land qaarkood waxaa lagu wadaa in dhawaan lagu dhawaaqo.

Mid ka mid ah Masuuliyiinta maamulka la magac Baxay Jubba Land oo lagu magacaabo Bishaar Ismaaciil ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in dhawaan lagu dhawaaqi doono maamulka gobollada Jubbooyinka.

Waxa uu sheegay Bishaar Ismaaciil in sida qorshuhu yahay la doonayo in maamulka gobollada jubbooyinka lagu dhawaaqo dabayaaqada bishaan aynu ku jirno ee December.

“Sida qorshuhu yahay, waxaa lagu dhaqaayaa maamulka gobollada Jubbooyinka dhammaadka bishaan, iminkana waxaa socda shirar lagu soo dhisayo maamulkaasi” ayuu yiri Mr. Bishaar Ismaaciil isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

“Ma jiro is qabqabsi ku aadan soo dhisidda maamulka Jubbooyinka, waayo shacabka gobollada Jubbooyinka oo dhan ayaa raali ka ah maamulka la dhisayo” ayuu ku daray hadalkiisa Bishaar Ismaaciil.

Bishaar Ismaaciil ayaa sheegay in dhammaan shacabka Gobollada Jubbooyinka ay kuwada qanci doonaan maamulka loosoo dhisayo Jubbooyinka islamarkaana uusan qabiil gaar ah lahayn maamulkaa.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbadda hoose ayaa waxaa ka soconaya qorshihii ugu dambeeyey ee maamul loogu sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale