1: Thursday, January 3, 2013 - 18:37:08
2: 51 Jeer.

Magaalada Kismaayo oo Roobab dabeylo wata ay Hakad geliyeen isku socodka

Waxaa Qoray:

kismaayo111
Magaalada Kismaayo xarunta gobolka jubada hoose maanta waxay aheyd mid ay hakad ku jiraan dhaq dhaqaaqyadii dadka iyo gaadiidka gudaha magaaladana kama jirin wax ganacsi ah ka dib markii ay soo wajaheen roobab wata dabeylo oo ilaa xalay halkaasi ka da’ayay.

Dadweyne ku sugan magaalada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saameyn dhinacyo badan ku yeelatay dabeylahan xoogan ee ku dhuftay magaalada ayna xiran yihiin goobaha ganacsi waxbarasho iyo weliba dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidkaba.

Saameynta ugu weyn waxay ku yeesheen dabeylahan dadka ku dhaqan goobaha barakacayaasha ku yaala magaalada iyadoo kukeenatay khasaarooyin badan oo dhinacyo badan leh.

Qaarkood guryaha cooshada ka sameysan ee ay ku jireen dadkaasi waxa ay noqdeen kuwo ay la tagen dabeylaha xoogani iyagoo banaan cidlo ah dhigay qaarkood dadkaasi barakacayaasha ah .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale