1: Sunday, February 3, 2013 - 04:14:17
2: 189 Jeer.

Magaalada Jowhar oo ay ka bilaabatay ciyaar kubadda cagta oo loogu magac daray koobka Nabadda DAAWO SAWIRADA

Waxaa Qoray:

SUNP0151
DAAWO SAWIRADA: Tartan Kubada cagta ah oo loogu magac daray Koobka Nabada oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadaha reer Jowhar ee ku dhaqan UK iyo dalka Sweden ayaa ka furmay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Koobkan oo ay ka qeyb galayaan 17-kooxood oo ah kooxaha ka dhisan Jowhar ayaa waxaa shalay oo jimco aheyd lagu daah furay kooxaha Baal-guri iyo Somali Arts.

Ciyaartii xiisaha laheyd oo shalay ka dhacday Garoonka Xaafada Horseed ayaa waxay ku soo dhamaatay bar bar dhac gool iyo gool, iyadoo labada kooxood ay soo bandhigaan ciyaar wanaag ku dhisneyd asluub.

Kooxaha ka qeyb galaya tartankan ayaa loo qeybiyay min afar group, iyadoo laga sugayo inay ka soo baxaan sideed kooxood si ay isku reeb reebaan, dabadeedna isugu soo haraan labo kooxood ciyaarta Final-ka ah.

Waxaa uu u muuqdaa tartankan mid lagu soo nooleynayo Isboortigii Gobolka Shabellaha Dhexe oo uu caanka ku ahaa, isla markaana bilow wanaagsan u noqoneyso is dhex galka bulshada iyo dhalinyarada ku dhaqan magaalada Jowhar.

Tartankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka bilowday magaalada Jowhar tan iyo markii bishii December ee sanadkii hore laga saaray Al-Shabaab, waxaana jiray tartamo ceynkan oo kale ah oo intii Shabaabka maamulayeen magaalada lagu qabtay, kaasoo ahaa kii u horeeyay noociisa oo magaalo ay maamulaan Al-Shabaab lagu qabto Tartan Isboorti.

Tartanka ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Gudoomiye kuxigeenka Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle), Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Caqiil, Gudoomiyaha Olimbikada Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamed Khalaf Aadan Shongole, Gudoomiyaha Olimbikada Gobolka Banaadir Abuukar Hiraabe Bakar iyo kuxigeenkiisa Axmed Maxamuud Diiriye iyo mas’uuliyiin kale.

XIGASHO JOWHAR.COM

SUNP0151 SUNP0147 SUNP0115 SUNP0113 SUNP0111 SUNP0109 SUNP0108

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale