Waxaa la aqristay: 1,128 Jeer.
Madaxweyne Xassan Sheikh muxuu ka yiri Hadalkii kasoo yeeray Somaliland ??
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan ka sooyeeray Masuuliyiinta Maamulka Somaliland oo dhaliilsan Aqoonsiga Xukuumada Somalia ay ka heshay Dowladda Mareykanka
Xassan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia ayaa waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Midawga Yurub Kulankii uu kula qaatay Magaalada Brocselis ee Dalka Jiljumka in ay Balan qaad Buuxa u Sameeyeen Dhamaan Madaxda Midawga Yurub oo ay U sheegeen in ay Garab taagan yihiin Somalia.
Xassan Sheikh Ayaa sheegay in Caalamka ay aqoonsan yihiin Xukuumadda Somalia ee uu Madaxweynaha ka yahay waxa uuna sheegay in Maamulka Somaliland ay kawada hadli doonaan Xaaladda Somalia iyo sidii leysugu imaan lahaa kadibna arintaasi ay far ku yeelan doonto QM oo iyadu daneyneysa in Somalia ay midowdo
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa Waxaa uu sheegay in Midowga Yurub ay aad isku af garteen, isla markaana Midowga Yusub uu diyaar u yahay in dowladdiisa ay ka taageeraan dhinacyo fara badan,
Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay soo afjareen safaradii ay ku aadayen Caalamka waxa uuna sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay guulo lataaban karo kasoo gaaren kulamadii ay la qaaten Madaxda
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Shalay ka soo baxay Waxaana uu sheegay in aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay heshay ay tahay mid maslaxad ugu jirto dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan loona baahan yahay in aan laga hor imaan.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Maamulada hadii kulamadaasi laga waayo rajo ay xukuumadiisu Go’aan qaadan doonto sida uu hadalka u dhigay.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

maxaa loo leeyahay qabiil qaran manoqdo …. djiboutiba iyada oo hal qabiila ah waataa hadana qaran ka ah >>>> waxaan in badan la yabayaa kelmada ah qabiil qarran ma noqdo ….. djiboutiba ayada oo qabiil ah bay ahadana qarran tahay ooy aduunka u talisaa lool , so wat haday somaliland qarrantahay maxaa ku jaban ???
viva khatumo ___ somaliland
madax waynuhu wuu saxan yahay ta kale Qabiilkan yar een la aqoon sanayni ha is dajiyaan caalamka lama arag Qabiil Qaran noqda marka viva dawlada aqoon San yahay somalia
Marka hore waad salaamntihiin dhamaantiin hadaan u laabto fikirkayga waxaan odhan lahaa soomaliland waxaa ay baabisay dawlad adiga kaaa awood badan mise waaba iyadoo kaa awood badan waxaaan odhan lahaaa yaanay ontan yar ee aad isku ururisay kaa baabibin
kuli waan idin slmaya salan kadhb aniga waxay ila tahay waa lagu deg degey arimaha somaliland waayo konfurba lama nabadayne shalay wad ogayd wixi ka dhacay madaxtoyada dhulka nabada ah yan lawarerin
Madaxwaynuhu wuxuu ujeedaa siday aniga ilatahy hadii hadalka la isku afgaranwaayo in gacan bira lagu qaban doono wixii somalidiida
Waxaan salaamayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed.
Salaan kadib waxey ila tahay hadii soomaalia laga qaado xayiraadda hubka dowladdu wexey awood u leedahay in ay mideyso maamulada dalka ka jira mana jiri kari doono maamul ka horyimaada
marka hore salaan guud ayaan idin salaamayaa,marka labaad waxan rabaa inaan fikirkeyga ka dhiibto hadalkan madaxweynaha somalia,hadii wada hadal la isku afgaran waayo,ma waxaa la isku afgaran doonaa colaad,taasi aniga ilama aha,waxaana aan qof kasta xasuusinayaa,dawladii somalia ee maxamed siyaad bare,iyadoo wax kasta hub nooc walba haysata ayaa AK 47 lagaga cayriyay gobolada waqooyi,imakana waan soo dhweyneynaa cadowga ,waxaana aanu haysanaa hub nooc kastaba,waana aanu ku dhiman doonaa ,ilaa intaanu ku dhamaaneyno viva somaliland