1: Thursday, January 3, 2013 - 18:30:00
2: 81 Jeer.

Madaxweyne Xasan Shiekh oo dib ugu laabtay Muqdisho isagoo..

Waxaa Qoray:

xasan shiikh. ok
Madaxweyne Xasan Sh. oo ay wehliyeen Xubno ka tirsan labada Gole ee DF iyo Saraakiil Ciidan ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii uu kaga soo qeybgalay Magaalo ku taalla Suudaan Xafladdii loogu dabaaldegayay Sanadguuradii 57aad ee kasoo wareegatay markii ay Suudaan Xurnimadeeda ka qaadatay Gummeystihii Ingiriska.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay R/Wasaare saacid ,Wasiirro iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Madaxweyne Xasan ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in mudadii uu ku sugnaa Suudaan uu sidoo kale la kulmay madaxweyne Al-Bashiir kaasoo ay ka wada hadleen horumarinta Xiriirka labada dal iyo sidii ay u kordhin lahaayeen Taageerada ay siiyaan Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa muddadii uu ku sugnaa dalka Suudaan booqdey shirkadda daabacaysa lacata cusub ee Soomaaliya waxaana uu ka codsadey in ay hakiyaan daabacaaddaas inta dalka laga xasilinaayo loona diyaarinaayo qaabka ay ku hirgeli karto.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale