Waxaa la aqristay: 121 Jeer.
Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Catheron Ashton oo kawada hadlay Xaaladda Somalia .
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadad Somalia Xassan sheikh Maxamuud iyo Wakiilka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Baroness Catherine Ashton ayaa xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels ku qabteen shir jaraa’id uga wada hadlay Xaaladda Somalia iyo horumarka ay iminka kusii siqeyso Siyaasadda Somalia
Catherine Ashton Wakiilka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Baroness Catherine Ashton ayaa xarunta Midowga Yurub ayaa xukuumadda Somalia ku amaantay inay gooysay masaafo dheer waxa ayna Shirka Jaraa’id ku sheegtay in Midowga Yurub ay garabtaagan yihiin Xukuumadda Cusub ee Somalia
Mr Catherine Ashton ayaa sheegtay in Xukuumadda Somalia ay ka caabin doonaan dhanka amaanka iyo horu socodka, waxa ayna sheegtay inay xiriir gaar ah la sameyn doonaan Masuuliyiinta Xukuumadda
Catherine Ashton oo Khudbeyneysa ayaa waxa ay tiri ‘’ Waxaa nasiib ah in xukuumadda Somalia 20-sanno kadib ay heshay siyaasiyiin Bulshada soomaaliyeed u cad jari karta, waxan isku tax-luujineynaa inan sameyno waxqabad ay xukuumadda Somalia ugu talaabsato xaaladda cakiran ay ku jirto sida, amaanka,dhaqaalaha IWM
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay Geesinimada Mr Catherine Ashton iyo balan-qaadyada ay u fidisay xukuumadda Somalia waxa uuna sheegay in Midowga Yurub ay mar waliba garab-taagan tahay Xukuumadda Somalia
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Sahih International
O you who have believed, do not take the Jews and the Christians as allies. They are [in fact] allies of one another. And whoever is an ally to them among you – then indeed, he is [one] of them. Indeed, Allah guides not the wrongdoing people. aayadaani waxay kahadlaysaa kuwa gaalada sxb ama xisbi ama walal ama soo dhawaystaba