Waxaa la aqristay: 230 Jeer.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan kula leh Dalka Belgium Madax ka tirsan Midowga Yurub
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu kulan kula leeyahay Magaalada Brusels ee dalka Belgium-ka madax ka socota Midowga Yurub.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay ka soo duulay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya halkaas oo labadii maalin ee ugu dambeysay uu ku sugnaa, halkaas oo isaga iyo wafdigii la socday ay uga qeyb galayeen shirka Madaxda Midowga Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Casuumaad ka helay madax ka tirsan Midowga Yurub oo kulan ku qaadanaya halkaasi, waxaana Madaxweynaha lagu wadaa inuu maanta ka qeyb galo kulankaasi.
Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya uu la qaadanayo Madaxda ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo taageeri lahaa Dowaldda Soomaaliya ee KMG-ka ka gudubtay.
Xasan Sheekh Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa uu socdaallo ku kala bixinayey Wadamada Caalamka taasoo uu ku nooleynayo xiriirka Soomaaliya iyo Caalamka.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk shirar badan ayay baratay intaas wuxuu isleeyahay mujahidiinta aad ka adkaatid war walahi baan kudhaartee hadaad malayiin ciidama ah malaayiin lacag ah in aadan ka adkaanayn xaqa waayo ayagu udagalami mayaan lacag iyo kuraas iyo madaxnimo iyo aduunya intaba waxay udagalamayaan ama in ay kunoladaan shareecada hoosteeda ama in ay god galaan aygoo sharaf badan
subxanalaah manin jidka alle kudagalamya iyo nin aduunyo iyo gaalo wakiil unoqo udagalmaya ayaa meel isla maraya haka yaabin wal caaqibatu lil mutaqiina walaa cudwaana ilaa cala daalimiin