HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Friday, February 1, 2013 - 15:25:29
Waxaa la aqristay: 103 Jeer.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:- “Waxaan wax ka qaban doonaa khatarta Xag-jirnimadda iyo Argagixisadda”

Waxaa Qoray:

579767_356119244477315_1990827708_n

Madaxweynaha Dowladda Somalia, Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlay kulan uu la qaatay Madaxda Ururka Midowga Europe “EU” ayaa ugu baaqay Dowladaha Midowga Europe inay gacan ka geystaan sidii  loo soo nooleyn lahaa Hy’adaha Dowladda Somalia.

Madaxweynuhu, waxa uu xusay inay Somalia ka soo kabanayso 22-kii sannadood ee ay dagaalladda ka socdeen, wuxuuna Xaalladda Somalia ku jirto barbardhigay Xaalladdii ay Europe ku sugnayd markii uu socday dagaalkii Labaad ee Dunida.

“Somalia waxay ku jirtaa xaallad la mid ah Xaalladii ay Europe ku jirtay sannadkii 1945-kii” ayuu yiri Madaxweynaha, oo sheegay inay Somalia ka degi la’dahay Kooxaha Xag-jirka, Argagixisadda iyo Burcad-baddeeda.

Madaxweynuhu, waxa uu sheegay in  ubadka Soomaaliyeed 25% oo keliya Dugsiyadda aadaan.

“Waa inaan Wiilashaasi siinaa rajooyin’ ayuu raaciyey Madaxweynaha oo xusay in inta badan Dhallinyarradda waxbarasho la’aan darted ugu  biiraan Kooxaha Dembiilayaasha ee qaraxyadda ka geysta gudaha Somalia.

Madaxweynuhu waxa uu xusay inay Dowladiisa ku talamayso sidii Maamulk loo ballaarin lahaa, isagoo hoosta ka xariiqay inay 18-ka Gobal ee Somalia gaarsiin doonaan W/barshadda, biyaha, Boliska iyo Adeegyadda kale.

Madaxweynuhu waxa uu Midowga Europe uga mahadceliyey  taageeradda wax-ku-oolka ah ee ay Somalia siiyaan, wuxuuna ku booriyey inay gacan ka geystaan Dib-u-dhiska Hay’addaha Dowladda.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

2 Comments for “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:- “Waxaan wax ka qaban doonaa khatarta Xag-jirnimadda iyo Argagixisadda””

  1. xamdixiis

    wuxuu xagjirnimada baan wax ka qabanaynaa asna ha ugaado alle iyo intii rumaysay waxay wx ka qabanayaan kurfiga iyo gaalimada waxayna soo celinayaa dowlad islami ah oo boskoodii kucelisa yuhuud iyo nasaaro iyo kuwa dabadhilifyada u ah inshallaah

  2. Bukhaari axmad

    ya ina amina dowladkasta tuksi a u adine wixi kaso heshana jib akuridetin somalia xaldi ogu xumet ayey kujirta hada benta daya

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale