HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Tuesday, May 28, 2013 - 09:44:19
Waxaa la aqristay: 581 Jeer.

Madaxweyne ku-xigeenka garabka Axmed Madoobe oo Hanjabaad u jeediyay Wafdiga Dowladda ee Kismaayo.

Waxaa Qoray:

dwew

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka garabka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo, Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka hadlay Arrinta Wafdiga Dowladda ee uu Hoggaaminaayay Wasiirka difaaca Dowladda, ayaa waxa uu sheegay in laga mamnuucay galitaanka gudaha Magaallada Kismaayo.

Fartaag, waxa uu Tilmaamay in Maamulka ay Socdaalka Wafdiga u arkaan mid qalad ah oo aan waafaqsaneyn Nidaamka u degsan Maamulka, isagoona ku eedeeyay in Booqashadda Wafdiga uu ahaa mid aan lala socodsiin Maamulka.

Wuxuu sheegay in weli ay Wafdiga ku sugan yihiin gudaha Garoonka aysan usoo bixi Karin banaanka, waxa uuna ku hanjabay haddii ay usoo baxaan banaanka ay heli doonaan Ficil munaasab ku ah oo ay ka sheekeyan, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wuxuu sheegay in wafdiga ay ugu tageen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayna u sheegeen in hadii ay usocdaan ciidanka AMISOM ay garoonka la joogaan balse gudaha Magaalada aan la iska geli karin oo uu maamul ka jiro.

‘’ Uma aragno in la joogo xilli cid waliba ay iska gali karto Kismaayo, Wafdigana nalama uusan soo sameyn wax xiriir ah, waxa ayna ku ciqaaban yihiin inay joogan gudaha Garoonka mana ogolaan doono inay banaanka usoo baxaan’’sidaa waxaa yiri Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Madoobe.

Isagoo intaa hadalkiisa kasii amba qaadaayo ayaa waxa uu yiri ‘’Haddii ay qilaafaan go’aanka Maamulka oo ay soo galaan gudaha Kismaayo, waxa ay la kulmayaan wixii abaalmarin ah’’ sidaa waxaa yiri Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Haddalka Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa waxa uu imaanaaya Xilli Habeennimadii xalay gudaha Garoonka lagu weeraray Wafdigii heerka wasiir ahaa ee ku sugnaa Garoonka, waxa uuna sidoo kale, imaanaya iyadoo uu jiro Khilaaf u dhexeeya Dowladda Somalia iyo Maamulka Kismaayo garabka Axmed Madoobe.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale