1: Monday, December 10, 2012 - 17:53:19
2: 125 Jeer.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in la xareynayo Ciidamada hubka ku dhex wata Muqdisho

Waxaa Qoray:

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inuu socdo qorsho lagu xareynayo ciidamada Dolwadda ka tirsan ee hubka ku dhexwata Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in arrintan ay ku dhawaaween markii ay badatay cabashada ka soo yeereysa dadka shacabka ah eek u aadan rag ka tirsan ciidamada Dowladda oo dhibaateynaya.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray Madaxweynaha Soomaaliya in dhawaan ciidankaasi la uruurin doono lana geyn doono xerooyin loogu tala galay oo laga sameyn doono daafaha magaalada sida uu yiri.

“Markii aynu arrintaas fulino oo askarta aan xerooyinkaas ku xareyno marka uu soo baxayo labo mid ayey tahay mar uu shaqo soo aadayo oo uu qorigiisa wato iyo mar uu bilaa qori yahay oo uu qaraabo salaam iyo wax la mid ah soo aadayo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya dhaqaaqa Al-Shabaab, waxa uuna sheegay inay mar waliba Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay cafis u fidiso dhallinyarada ku jira Al-Shabaab, haddii ay ku soo biirayaan dhanka Dowladda.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa cabasho ballaaran waxa ay ka soo yeereysay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaas oo sheegayey inay qaati ka taagan yihiin rag ku labisan dharka Ciidanka Dowladda oo dil, dhac iyo dhaawacba kula dhaqaaqa, waana tan keentay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka hadlo arrintaa.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale