Waxaa la aqristay: 245 Jeer.
Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Turkiga, kulana la yeeshay Madaxweynaha dalkaas + Sawirro
Waxaa Qoray: Jabriil Max'ud Nuur (Jabra)
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminaayay oo shalay booqasho ku tegay dalka Turkiga ayaa maanta kulmo la qaatay madaxweynaha dowlada Turkiga Cabdalla Guul.
Kulanka ay yeesheen labada madaxweyneayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab iyo sidii dowlada Turkiga u xoojin laheyd mashaariicda ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga codsaday dowladda Turkiga in bdowladiisa laga caawiyo dhinacyada ammaanka iyo dib u dhiska dalka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatada ay mudada dheer ku soo jireen,wuxuuna uga mahad celiyey Dowladda Turkiga sida uu shacabka tabaaeysan ugu soo gurmaday abaarihii dalka ka dhacay sanadkii hore.
Cabdalla Guul Madaxweynaha Turkiga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay diyaar u tahay iney shacabka iyo dowlada Soomaalida ka caawiso soo celinta ammaanka iyo adeegyada bulshada, wuxuuna sheegay iney sii xoojin doonaan mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta beri ah la kulmo Ra’isul wasaaraha dowlada Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo sanadkii hore booqasho taariikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨























ASC waxa layableh wasirada dadna waysugayan in ay waraq bes ay usaxixido oo cafimad u bahan o manta ilah xaladisa ogyahay ayada damashadkeeda u Japan nagaga way calol jilcanyihin an maqlijiray wale waa yaab ilah umadada cafi aamin