HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Thursday, March 21, 2013 - 16:57:40
Waxaa la aqristay: 582 Jeer.

Madaxweynaha Somalia iyo Siilaanyo oo kulan hordhac yeelanayo.

Waxaa Qoray:

 

 

Ilo wareedyo ku dhow Safaaradda Somalia ay ku leedahay Dalka Imaaraadka Carabta (UAE), ayaa sheegay inay socoto qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md.Xasan Sheikh Maxamuud oo lagu wado inuu dhawaan gaaro Dalka Imaaraadka Carabta.

Xogta aan heleyno ayaa sheegayo in Dowladda Imaaraadka ay Casuumaad u fidisay Madaxweynaha Somalia iyo Hogaamiyaha Maamulka Somaliland, Axmed Siilaanyo, waxaana lagu wadaa inay Dowladda Imaaraadka kulansiiso Labadaasi Mas’uul, si ay uga wada hadlaan qadiyada Somalia.

Kulanka hordhaca ee labada dhinac ayaa noqon doono kulankii ugu horeeyay ee labada Hogaamiye yeeshaan.

Ma cadda Ajandayaasha looga hadlayo kulanka Dubai, mana muuqato ifafaallo isfaham lagu gaari karo, maadaama Maamulka Somaliland ay qaadacday Shirweynaha Caalamiga ee Arrimaha Somalia looga hadlayo, kaasi oo lagu wado inuu Bisha May 7-da ka furmo London.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale