HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Friday, December 7, 2012 - 10:30:20
Waxaa la aqristay: 123 Jeer.

Madaxweynaha Masar oo wada hadal ugu baaqay kooxaha kacdoonka iyo mucaaradka

Waxaa Qoray:


Madaxweynaha Wadanka Masar Maxamed Morsi ayaa wadahadal ugu baaqay kooxaha kasoo horjeeda ee mucaaradka ku ah Dastuurka qabyada ah ee lagu wado in aftida loo qaado 15ka December.

Maxamed Morsi oo telefishinka kala hadlay shacabka Masar, ayaa u tacsiyeyey dadkii wax ku noqday banaanbaxyadii looga soo horjeeday dowladiisa, wuxuuna ugu baaqay kooxaha kasoo horjeeda in ay wadahadal isugu yimaadaan maalinimada beri ah (Sabtida).

Morsi ayaa ugu baaqay dhalinyarada Kacdoonka oo ayagu si weyn uga soo horjeeda qorshihiisa inay wadahadalka kala soo qeyb galaan koox sharci-yaqaano ah iyo dowlada si fool ka fool ahna u wadahadlaan.

Kooxda dhalinyarada Kacdoonka ee loo yaqaan (April 6) ayaa ku gacanseyray baaqa Madaxweynaha waxayna sheegeen in maalinimada Jimcaha oo maanta ah qaban doonaan banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeedo dowlada Morsi.

Madaxweyne Morsi ayaa weli diidan inuu wax ka bedalo dikereetooyin uu soo saaray 22kii November oo uu awoodiisa ku baahiyey, isla markaana go’aankiisa ka dhigay mid ka sareeya Garsoorka wadankaasi.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

2 Comments for “Madaxweynaha Masar oo wada hadal ugu baaqay kooxaha kacdoonka iyo mucaaradka”

  1. I spent several many years working in rehab for folks with disabilities. Whatever the causes, a great number of usable and expensive wheelchairs and scooters wind up wasting absent in closets and storage rooms. There would definitely be ways of cutting a few of the waste without having denying assist to persons who need mobility aids. I suppose just one excellent thing I’m able to say with regards to the folks while in the Tea Get together is that at least they had been using the scooters.

  2. And how do you realize this ? Have any proof ? What are your qualifications to determine whats real and what on earth is not ?

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale