HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Saturday, February 2, 2013 - 18:27:54
Waxaa la aqristay: 605 Jeer.

Madaxweye Bashaar Asad oo ay bisha soo socoto xusuus badan u yeelan doonto.

Waxaa Qoray:

Bashar al-Assad

Madaxweynaha dalka Suurya, Bashaar Xaafid Al-asad ee ay dagaalladda jabhadduhu ku socdaan, ayaa u muuqda inay xaaskiisa u foolan doonin qaabkii wacnaa ee ay horey ugu dhali jirtey Isbitaalladda ugu qaalisan Suurya.

Xaaska Bashaar Alasad  oo lagu magacaabo Asma ayaa waxaa lagu wadaa inay umusho bisha soo socoto ee March oo Madaxweyne Asad uu ku xusuusto inay tahay bishii uu Kacdoon hubeysan ku bilowday bishii March ee sannadkii 2011.

Waxaana la sheegaa in 23-ka bilood ee uu Kacdoonka ku socdaa, inay 60,000 oo qof ku geeriyoodeen.

Madaxweyne Asad, oo talada dalkaasi la wareegay sannadkii 2000 markii uu geeriyooday Aabihiisa, Xaafid Alasad oo muddo dheer dalkaasi maamuli jirey.

Bashar oo Takhasus Dhakhtar dhinaca daaweynta Ilkaha ah, waxa uu difaac adag ugu jiraa sidii uu cagta u marin lahaa Jabhaddo hubeysan oo ay dowladaha Reer Galbeedka iyo qaar Carbeed taakuleeyan.

Haddaba, Wargeyska Alkhbaar ee ka soo baxa magaallo-madaxda dalka Lubnaan, ayaa waxa uu dhawaan qoray inuu Madaxweyne Bashaar dhawaan la kulmau Ergo Carbeed, oo uu u sheegay inuu guul ka gaaray dagaalka ay Xukuumadiisa kula jirto Jabhadaha, oo iyagu la xaqiijiyey inuu khilaaf xooggan ka dhexeeyo, kadib, markii ay ku soo milmeen Jabhadda Alnasra oo Alqaacida ehel la ah.

Wargeysku, waxa uu qoray inay xooraansadeen in xaaska Bashaar xaamilo tahay, laguna wado inay umusho bisha soo socoto, inkastoo dhinaca Dowladda Suurya aan laga xaqiijinin inay Xaaska Madaxweynahooda foolan doonto bisha soo socoto.

Wargeysku waxa uu sii qoray inaan Xaaska Madaxweynaha lagu arkin fagaarayaasha tan iyo markii uu Odaygeeda kacdoonka ku bilowday, iyadoo haatan ku nool magaalladda Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka, halkaasi oo ay horey u sii joogeen Hooyadda Madaxweyne Bashaar iyo Walaashiisa Bushra oo uu ninkeeda ahaan jirey Madaxa Sirdoonka, ka hor intaan   sannadkii horey lagu dilin qarax ismiidaamin.

Kooxaha Mucaaradka ayaa iyagana waxay bishii November ee la soo dhaafay ku qoreen Facebook inay xaaska Madaxweyne Bashaar xaamilo tahay, laguna wado inay umusho bisha March oo ah xilligii uu Kacdoonka ku bilowday.

Asma, oo 37-jir ah waxay Madaxweyne Bashaar u haysaa saddex wiil oo lagu kala magacaabo Xafeez oo 11-jir ah, Zein oo 9-jir ah iyo Kariim oo 8-jir ah

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit

Email: wararka@live.se

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale