Waxaa la aqristay: 153 Jeer.
Madaafiic iyo qaraxyo xalay laga maqlay Muqdisho
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Marka qura ayaa saqdii dhexe ee xalay dadka reer Muqdisho intooda badan waxaa dhagohooda ku soo dhacay Madaafiic xoog leh.
Madaafiicda ayaa waxa inta badan ku dheceen Degmooyinka Warta Nabadda Ex-Wardhiigleey iyo Boondheere kuwaas oo khasaaro u geystay dad rayid ah.
Madaafiicdan oo la tilmaamay inay yihiin Hoobiyeyaal ayaa lagu garaacay Degmooyinkaasi waxaana inta la xaqiijiyey uu dhaawac ka soo gaaray labo ruux oo ku sugnaa degmada Warta Nabadda.
Ilaa iyo hadda laga garanayo Madaafiicdaasi waxa ay ahaayeen iyo cidda soo tuurtay toona.
Dhanka kale Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qarax Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya Xalay lagu qaaday xilli ay ku sugnaayeen Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay fariisin ku leeyihiin.
Ciidankii halkaasi ku sugnaa ee la wareeray ayaa lagu waramayaa inuu khasaaro ka soo gaaray kaddib lagu weearay Bamka nooca gacanta laga tuuro.
Mid ka mid ah dadka deegmada howlwadaag oo goobjoog ahaa ayaa xaqiijiyey in qaraxaas ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya uga dhaawacmeen labo Askari.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨