Waxaa la aqristay: 159 Jeer.
Maamulka ku meel-gaarka Kismaayo oo shaaciyay Xiliga uu furmi doono Shirka maamul u sameynta Jubbooyinka.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Macallin Ibraahim Maxamed Guddoomiyaha Guddiga farsamada Maamul u sameynta Kismaayo ayaa shaaca ka qaadan in Guddiga loo xil saaray Sameynta maamulka ay soo afjareen How-shoodii ku aadaneyd in la sameeyo maamul
Macallin Ibraahim Maxamed Guddoomiyaha Guddiga farsamada ayaa sheegay in Shirka maamul u sameynta Jubbooyinka uu furmi doono Febraayo 23
Macallin Ibraahim Maxamed oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay soo afjareen howsha loo dhiibay waxa uuna yiri ‘’Shirweynaha maamul u sameynta Jubbooyinka waxan ka furi doona magaalada Kismaayo Sabti, Febraayo 23-keeda waxan rajeynaaya in Shirka uu ku bilowan doono Jawi fiican kuna soo idlaan doono Jawi fiican’’ Sidaa waxaa yiri guddoomiyaha Guddiga
Dhanka kale Macallin Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in Shirka ay goob-joog ka ahaan doonaan Ururka IGAD iyo Masuuliyiin ka kala socda Xukuumadda Somalia iyo Kenya, waxa uuna Guddoomiyaha sheegay in Shirka uu ahaan doono mid ay kuwada qanci doonaan Beelaha degan Magaaladda Kismaayo
Si kastaba ha ahaatee Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa iminka ka dagaaya Duyuurado ay saaran yihiin Madax ka kala socta Caalamka kuwaasoo la sheegay inay ahaan doonan kuwa u kuur-gala xaaladda Kismaayo iyo habka uu u dhici doono Shirka
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

When I first saw this title Maamulka ku meel-gaarka Kismaayo oo shaaciyay Xiliga uu furmi doono Shirka maamul u sameynta Jubbooyinka. | Warar Xaqiiqo ah on google I just whent and bookmark it. I used to be looking for this fantastic sharing admin very much thanks and also have nice running a blog bye
asc aqyaarta,war sawirkaa waa magalada baraawe ee ma aha kismaayo sxbyaasheyda waxay iska jecel yihiin sawir xeebta badda kkk