Waxaa la aqristay: 49 Jeer.
Maamulka Degmada Hobyo oo xukuumada ugu baaqay inay gargaar lasoo gaarto.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Wararka ka imaanaya dhanka maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in Maamulka ay u tabaaleysan yihiin gargaar dhanka Samafalka
Maamulka ayaa Xukuumadda Somalia ugu baaqay inay lasoo gaaran Gargaar ku’adan dhanka Caafimaadka iyo Raashiinka waxa ayna sheegen Maamulka Degmada in Xukuumadda Somalia aysan war ka heyn Xaaladda ka jirta Degmada balse loo baahan yahay inay helaan gacan
Cabdullaahi Axmed Barre Guddoomiyaha degmada Hobyo oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in xilligan aysan degmada ka jirin wax adeegyo caafimaad iyo goobo waxbarasho toonna, sidaas darteedna uu hay’adaha caafimaadka dowladda iyo kuwa waxbarashada ka codsanayo in il gaar ah lagu eego degmada.
Si kastaba ha ahaatee Cabdullaahi Axmed Barre Guddoomiyaha degmada Hobyo ayaa sidoo kale sheegay in dadka Degmada aysan haysan wax gargaar ah ee ka imaaday dhanka Hay’adaha waxa uuna xusay Guddoomiyaha in loo baahan yahay gacan wax ku’ool ah oo ay helaan dadka Deeganka si looga hortago dhibaatooyinka kaga imaankara dhanka Caafimaadka,jahliga, iyo gaajada.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨



