Waxaa la aqristay: 44 Jeer.
Maalinta Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho Laga Xusay
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Iyada oo ay maanta ku beegan tahay maalinta loo asteeyey Xuquuqda Aadamaha ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah golaha Xukuumadda ee Dawladda Soomaaliya, Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan Dr.Augistine Mahiga iyo ergooyin kale oo ka socda beesha caalamka, ururada u dooda Xuquuqda dadka, bahda saxaafadda iyo martisharaf kale oo badan.
Kulanka maanta ayaa diirada lagu saarey xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed oo si weyn loogu xadgedbey sanadkan iyada oo la diley 18 suxufi, la dhaawacay qaar kale kuwan xabsiyada ku jiraan.
Ergayga Qaramada Midoobey Dr.M;ahiga ayaa sheegay in siyaabo kala duwan loo beegsado suxufiyiinta, isla amrkaana dhamaan ay isugu imaanayaan inj la aamusiyo codka shacabka iyo in aysan soo bixin dhibaatooyinka musuqmaasuqu lee yahay, sidoo kale waxa uu tilmaamey in kuwa ka soo horjeedo horumarka ay gaarayaan ciidanka Soomaaliya in la baahiyo ay qayb ka yihiin beegsiga suxufiyiinta.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa isaguna sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatooyinka s anadkan oo keliya gaarey saxaafadda, isla markaana la samayn doono baaritaan ku aadan waxa ka danbeeya beegsiga suxufiyiinta iyada oo madaxweynaha Soomaaliya uu muhimad gaar ah siiyey arintaas. Ciilmooge ayaa sheegay in dawladdu xoog saari doonto in ay ka hortagto dhibaatooyinka ka dhanka ah warfidiyiinka.
Shirkan oo ahaa kii u horeeyey ee noociisa oo kale ah oo Muqdisho lagu qabto ayaa waxaa soo abaabuley Midowga Yurub si xal loogu helo suxufiyiinta dhibaateysan ee maalinkasta la beegsanayo.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
Problem: Very Shallow Penetration: Solution: Check Polarity + Hard Wire gas – Flux-Cored no gas Problem: Poor quality/discolored Welds: Solution: Make sure that you use this wire. The Certified Welder program is a good place to start – post up pictures of your desired size. Median yearly earnings of welders were $29,462 in 2004. {||||
So, become a part of the reasons they designed and built their scooter. When you buy an ebikes, you will not have to use gasoline again and you move on to a very cost efficient source – electricity, which is inexpensive.
Enjoyed looking at this, very good stuff, appreciate it.
David, you don’t get copies of the previous letters. Since the letters go forward that range could be during the hundreds. But if you can find a particular letter send us an email and perhaps we are able to figure a thing out.
waxaa wax ilaahy loogu mahadiya ah in khawaarijtii ay kunoqdeen ciidan ka qaran ka soomaaliyeed bisad jiir aragtay