Waxaa la aqristay: 261 Jeer.
Ma dhabaa in baaqashada Shirka ka furmi lahaa Kismaayo ay sababtay Khilaaf ka dhex taagan Maamulka Kismaayo
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Wararka naga soo Gaaraya Magaaladda Kismaayo ayaa sheegay in Khilaaf xoogan uu ka dhex dilaacay Maamulka ku meel-gaarka uu Hoggaanka u haayo Axmed Madoobe iyo Odayaasha Dhaqanka ka soo kala jeeda Beelaha Dega Kismaayo.
Khilaafka oo ah mid bilowday Maalintii Khamiista ayaa sababay in Rag ka tirsan Guddiga Maamul u sameynta Jubbooyinka ay isaga baxaan xubintii Gudigaasi kadib markii Maamulka Ku meelgaarka Kismaayo laga war helay inay maleegen isdib marin ku aadan dhanka Shirka iyaga oona sidoo kale Shirkaasi ka mamnuucay Odayaal ka tirsan Beelaha Dega Kismaayo.
Qabaa’ilka degan Kismaayo ayaa iyagu dhaliilaya habka ay wax u wadaan Maamulka Ku meel-gaarka iyaga oona helay warqado ay is weydaarsanaayan Saraakiisha Kenya ee ilaalada ka haaya xeebta iyo Magaaladda Kismaayo iyo Madaxa Maamulka Ku meel-gaarka Kismaayo Axmed Madoobe warqadahaasi oo la sheegay inay ku qornaayen Xad-gudubyo loo geysanaayo in kabadan 6-Qabiil oo dega Magaaladda Kismaayo iyo daafaheeda.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Baaqashada Shirkii lagu balansanaa Maanta oo Sabti ah ay sabab u tahay is maandhaaf iyo is-dib marin lagu helay Odayaal iyo wax garad iyagu ka tirsan maamulka Kismaayo iyo Beelo gooni isku taag ah kuwaasi oo lagu qab-qabtay isdib marin la xiriirta wax yeeleynta Dhismaha maamulka la filaayo in dhawaan loo dhiso Jubbooyinka.
Si kastaba ha ahaatee Buuqa iyo is-maandhaafka ka dhex taagan Maamulka ku meel-gaarka Kismaayo iyo Beelaha dhaliilsan dhicitaanka Shirka ayaa waxa uu gaaray Xukuumadda somalia waxa ayna sababtay in Madaxda sar sare ee ka socday Xukuumadda Somalia dib loo dhigay kadibna dhalisay in uu dib u dhac ku imaado Shirka xilli Wufuud ka socda Beesha caalamka ay ku sugan yihiin Gudaha Magaaladda Kismaayo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
