Waxaa la aqristay: 125 Jeer.
M. GHEDI “Xukuumadda cusub waa u xushmad darro haddii ay xaqirto xannaaneynta ay mudan yihiin Xildhibaanadii hore”
Waxaa Qoray: Jabriil Max'ud Nuur (Jabra)

Waxaa ah wax aad loogu faraxsanaado Rabbina looga mahad celiyo, inay Soomaaliya 22 sano ka dib ay yeelato Baarlamaan rasmi ah, inkastoo xubnaha baarlamaankan rasmiga ah, 70% lagu soo xuley laaluush iyo musuq-maasuq ay fuliyeen odayaal-dhaqmeedyadii loo xilsaarey inay Soomaaliya u soo xulaan baarlamaan xalaal ah oo kasban kara kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, balse nasiib darro odayaal-dhaqmeedyadii la saaray xilkaas culus, 70% waxay noqdeen duubab-xumayaal “Dollar qaatayaal ah”, 30% waxay noqdeen kuwa dhowrsan oo qiimeeyey xilka Alle saaray.
Fursadaas guracneyd ee xilligaas laaluush la bixiyo lagu heli karaayay xubinimo baarlamaan, waxaa ka faa’iideystay dambiilayaal Dollar badan haystay si ay u helaan xasanad siyaasadeed ( political Immunity), waxaa kaloo si musuq-maasuq ah ku soo galey baarlamaanka cusub, labaatameeyo (20) xildhibaan oo xigto hooseed la ahay duubabkii wax soo xuley.
Musuq-maasuqaas ay sameeyeen duubab-xumayaashii soo xuley baarlamaanka uu hadda dalku leeyahay, 85%k waxay meesha ka saartay xildhibaanadii hore oo u soo dhabar-adeygey, in uu baarlamaanka Soomaaliya uu soo gaaro meesha uu hadda joogo oo ah baarlamaan Soomaaliyeed oo rasmi ah.
Xildhibaanadii hore qaarkood waxay baarlamaankii KMG ahaay ku soo biireen 2000, qaarna waxay ku soo biireen 2004kii,qaarna dhammaadkii 2008kii, muddadaas aadka u dheereed sanadadii 2000 ilaa Agoosto 2012kii, xildhibaanadii hore waxay la kulmeen tacadiyo aad u xannuun badnaay sida dilal isugu jiray kuwa qorsheysan, iyo kuwa bareer cad ahaay, dhaawacyo cul-culus iyo kuwo fudfududba, dhaqaala-xumo iyo hanjabaad kaga imaan jirtay kooxihii nabad-diidka ahaay.
Dhinaca dhaqaala-xumida xildhibaanadii hore, waxaa kaga maqan xafiiska siyaasada ee qaramada Midoobey (UNPOS) gunnooyin ka badan hal (1) sano, halka dhowr bilood mushaarkoodna uu kaga maqan yahay xukuumahii KMG ahaay ee ka horreeyey xukumadaan cusub ee rasmiga ah, waxaa kaloo iyaduna xusid mudan ilaa hadda in aanan xildhibaanadii hore la siin aqoonsi “ID Card” ay ku gali karaan xafiismanka dowlada cusub.
Xukuumadaan cusub waa u xushmaddarro, haddii ay xaqirto xushmada iyo xannannaynta ay mudan yihiin xildhibaanadii hore, hana ogaadaano xukuumada cusub ee hadda xilka haysa iyo baarlamaanka cusubba, haddii ay xushmeyn waayaan xubnihii baarlamaankii KMG ahay, inaanan iyaga berri, marka ay xilka ka degaan la xushmeyn-doonin.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle, Ex-Xildhibaan
Xilqaad12@hotmail.com
Rochester, MN.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
TBcGB5 Really appreciate you sharing this article.Really looking forward to read more.
barlaman galo so dhistay ayuu markiihoreba ahaa horana loo yiri hal xaraan ah nirig xalal ah mdhasho
Shaqsiga aflagaadeeyey qoraha maqaalkaan waannu ognahay meesha bugta ee ilaahay ha caafiyo ayaan leenahay, waryaa ka xishoo kuwa xushmada kaa mudan duliyahow
waa DOQON waxuu i
sleeyahay adiga beri yey kugu dhicin
BAARLAMAAN SOOMALIYEED dan uma wadaan shacbaka soomaliyeed oo dhibaatada ku
habsatey 22 sano waxana loo bahan yahaysamata bixin
ODEYGAAN WAXUU KAHADLEY CALSHIIS U SHAQEYSTE