Waxaa la aqristay: 294 Jeer.
M. GHEDI: “Walwal badan iguma heyso Soomaaliya ayaa safka hore ka gashay musuq-maasuqa adduunka, Laakin waxaa welwel weyn igu haaya inaysan muuqan rajo looga bixi karo”
Waxaa Qoray: Jabriil Max'ud Nuur (Jabra)
Waxaa laga yaabaa inta badan shacabka Soomaaliyeed inuu ka walwalsan yahay warbixinta ay dhowaan soo saartay hay’ada caalamiga ah ee la yiraah “Transparency international the global coalition against corruption”, hay’addaas oo sheegtay inay Soomaaliya safka ugu horreeye ka gashey liiska Musuq-maasuqa adduunka.
Runtii walwal sidaas u sii weyn iguma hayso magac-xumada iyo ceebta aanan la inkiri kareyn ee ka dhalatay warbixinta hay’adda (TIGCAC), maadaama uu wadanku 22 sano ku dhowaad ku soo jiray fowdo iyo dowlad rasmi ah la’aan, laakiin waxaan aad uga wal wal sanahay, inaysan muuqan rejo looga bixi karaayo magac-xumaddaas, afarta (4) sano ee soo socota inta uu jiro Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliyeed ee hadda jira oo 80% lagu soo xuley masuq-maasuq iyo laaluush la siiyey Duubab-xumayaal ($ dollar qaatayaal ah) oo soo xuley baarlamaanka uu hadda dalku leeyahay.
Wal wal-keygu, wuxuu ku saleysan yahay, Baarlamaanku waa hay’ada sharci dejinta dalka iyo dabar-goynta musuq maasuqa, laakiin waxaan is-weydiinayaa sidee bay shaqsiyaad iyaguba musuq maasuq iyo laaluush ku soo galey baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed uga hor-tegi karaayaan masuq maasuqa iyo laaluushka uu dalku caanka ku yahay?.
Ulama jeedo 100% Xildhibaanada baarlamaanka cusub waxay baarlamaanka ku soo galeen musuq maasuuq iyo laaluush, laakiin waxaan dhihi karaayaa in ka yar 30%, ayaa ku soo galay baarlamaanka cusub si sax ah iyo rabitaanka beelahooda, 35% in ka badan waxay ku soo galeen baarlamaanka laaluush iyo musuq masuq, 35% in ka badan waxay ku soo galeen baarlamaanka qaraabanimo-hoosaad kala dhexeeya duubabkii soo xuley baarlamaankaan cusub.
Ugu danbeyntii, su’aashu waxay tahay baarlamaan asaguba ku yimid musuq maasuq iyo laaluush, maka hor-tegidoonaa musuq maasuqa iyo wax is-daba-marinta soo noq-noqota ee lagu eedeeyo dalka?, waa su’aal furan Jaallayaal ???.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Naadiga lasocodka Arimaha Soomaliya.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

I couldn’t be a lot more energized to learn the Diana exhibit is coming to Louisville! I am from Paducah, KY and traveled to each Grand Rapids and Kansas City to find out the exhibit final yr and I am able to genuinely say that it can be incredibly moving and lovely beyond terms. Thank you a lot of for that bringing this astounding opportunity to this area. I seem forward to seeing it once again!
I received everything you designate, thanks for setting up. Woh I’m glad to encounter this web web-site by search engines. Thanks For Share Khmer Karaoke Megastars » Somnangblogs.
AC/W/W.
Rabbi talo ku filan ee asaga talada ha loo daayo, waayoo arrinto waxay u eg tahay Rashiid miyaa Risaaq ka roon.
Bacdi Salaan.
qof ahaan faa’iido badan kama sugaayo baarlamaankaan u badan xubno musuq maasuq ku soo galay baarlamaanka iyo xukuumadaan heer NGO, balse waxaa ila habboon in aanan lagula deg degin mucaaradid. iyo dhaleeceyn.
Walaalayaal,
Hadda ayaa Soomaliya loo baqaa oo talada dalka la wareegeen heer NGO’s iwm
Ilaahay oo naga qabta mooyaa itaa kale ma hayno, waayoo tuugada wadanka ka talisa waxaa askar u ah Amisom iyo Ciidamada Itoobiya.
Wakiilaha beesha caalamkuna waxay heshis la yihiin tuugada.
asc mudane mohamoud,
Shacabka somaaliyeed waa inuu ka tashayo tuugada xamar ka talisa, iyada oo laga tusaala qaadanaaya, wax yaaba ka dhacaaya wadamada Carabta qaarkood.
Sidoo kale waa in iyagana la cambaareeyo odayaal-xumayaasha qariban ee wax soo xuley.
Asc mudane geedi shacabka asagaa ka raali ah tusaale ani waxay ila tahay madama odaysahiiba inta badan foolxumada nocaas ah tariikhda u gashay an xisaabino odayaasha 850 +xildhibanada 275+ madaxweynaha 1+ raysal wasaraha iyo golahiisa wasiirada 11 = 1,117 marka soomaali meeqa ayaa nahay toban mulyan iyo kabadan sidee tiradaas yar afduub ugu haysan karaan waxa qabaa anaga ayaa raali ka ah musuq masuqa tuug walba waxan ku tageernaa qabiil iyo jufo hadaan ku banaanbixi laheen tuugada way cabsan lahayeen tusaale wadamada carabta arka ee hadii wax la wacyi galinaayo marka hore shacabka hala wacyi galiyo musuqmasuqa waxa raali ka ah shacabka tobanka milyan kor u dhafaaya