HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, January 27, 2013 - 18:22:18
Waxaa la aqristay: 143 Jeer.

M. GHEDI: “Nabadda Soomaaliya ka bilaabatay ma buuxsami doontaa?!!”

Waxaa Qoray:

Aw geedi
Dhowr iyo labaatan (20+) sano ka dib, oo uu shacabka Soomaaliyeed ku soo jiray fowdo, fool-xumo adduunyo, niyad-jabsanaan iyo jahawareer baaxad-weyn ayaa nasiib wanaag, lixdii (6) bilood ee laga soo gudbey la dareemaayay daruuro nabadeed oo shaqsi kasta ee Soomaali ah meel kasta haka joogo dunidee uu aminsan yahay inay Soomaaliya ka soo ifbayso nabad guud iyo dib u hanasho midnimadii Soomaliweynnimo.
Rejadaan fiican ee dhowr iyo labatan sano kadib, Soomaaliya ka soo muuqaneysa mahadeeda waxaa iska leh Ilaahey, ha yeeshee, waxaa horseeday wax yaabo dhowr ah, oo qabsoomey laga soo billaabo dhammaadkii sanadkii 2011-kii, welina u socda si tartiib tartiib ah oo taxadir ku jiro, waxyaabaha ilaa hadda qabsoomey ee la taaban karo waxaa ka mid ah:-
b) Bishii Agoosto 6-deedii sanadkii 2011-kii oo ay bilaabatay wiiqitaanka kooxihii nabad-diidka ahaay, markii ciidamada xoogga dalka oo kaashanaaya kuwa Amisom ay xoog iyo xeelado dagaal ku muquuniyeen kooxahaas nabada Somaaliya hor-taagney.
t) Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti oo Soomaaliya u soo gurmadeen xilligii ay ka jirtay macluusha ba’neyd, bartamihii sanadkii 2011-kii, iyadoo ay weli sii wado dowlada Turkigu u kaalmaynta dadka Somaaliyeed, kaalmadaas oo ah mid u muuqata sida Dayax (15) shan iyo tobanaad ah.
j) Madaxweynihii hore ee dowladii KMG-ka aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xukunkii xarrako u wareejiyey bartamihii bishii September, sanadkii 2012-kii , markii looga guuleystay doorasho xalaal aheyd, mudane Sheekh Shariif, wuxuu marey wadaddii adeerkiis madaxweynihii ugu horreeye Soomaaliya Al marxuum Al Haji Aden Abdulle Osman (Aden Adde), al marxuum Xaaji Aden Abdulle Osman wuxuu Afrika u billaabay xukun xarrako loo wareejiyo, waxaa ku xigsadey Madaxweynihii hore ee Tanzania ( former president of Tanzania H.E. Julius Nyerere), iyadoo ay Afrika ku faanto labadaas (2) madaxweyne ee soo kala hoggaamiyey Soomaaliya iyo Tanzania.
x) Soomaliya oo ka baxday dowlad ku maal gaar ah, oo noqotay dowlad rasmi ah, misana haysata kalsoonida beesha caalamka, marka laga reebo dowlada Eritrea oo taageerta kooxaha nabad-diidka ah ee la dagaalama ciidamada Somaaliya iyo kuwa Amisom.
kh) Xukuumada cusub oo ku guuleysatay qaadista Is-baarooyin fara badan oo aad loogu dhibaateyn jiray gaadiidka dadweynaha iyo shacabka lugeynaayaba, iyadoo caasimada Somaaliya ee Muqdishu oo kaliya laga qaadey in ka badan (60) is-baarooyin amba jid-gooyo, iyadoo weliba aysan ku daadan wax dhiig ah.
d) Dowlada Mareykanka oo Soomaliya siisay aqoonsi rasmi ah ( official recognition), aqoonsigaas oo Soomaaliya siin-doono fursado fara badan, sida wax la qabsiga dhammaan dowladaha caalamka iyo la macaamilootan toos ah hay’adada bixiya deynta iyo kuwa bixiya macaawinooyinka sida USAID, World Bank iyo IMF iwm.
R) Muwaadiniin dalka horey uga cararey, amaan xumo awgeed oo hadda si xowli ah dalka hooyo dib ugu soo laabanaaya, gaar ahaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, muwaadiniintii dhowaan dalka dib ugu soo laabtay oo durba sameystay maharooyin waaweyn, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, xarumo waxbarashada iyo ruggo caafimaad iwm, balse waxaa xusid mudan inay muwadiniintii dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ay qabaan shaki-weyn “huge-skeptical”, markii ay arkeen muwaadiniin weli laga haysto hantidoodii ma guurtada aheyd sida guryo dhisan, dhul aanan dhisneyn, beero iyo Jardiinayaalkii dadweynaha oo dan guud awgeed horey looga kiciyey muwaadaniinyii horey u lahayd jardiinooyinkaan sida sharci-darro ah loo dhistay dhowr iyo labaatankii sano ee lagu soo jiray fowdo iyo kala danbeyn la’aan dowladnimo.
Gunaanadkii iyo gabagabaddii, maqaalkaan nabada Soomaliya ka billaabatay ma buuxsami doontaa oo dib ma loogu noqon doonaa barisamaadkii hore?.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Naadiga Lasocodka Arrimaha Soomaliya.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale