HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, February 21, 2013 - 19:04:10
Waxaa la aqristay: 76 Jeer.

Loic Remy oo seegaya Sabtida kulanka QPR iyo Man United

Waxaa Qoray:

Weeraryahanka kooxda QPR Loic Remy ayaa lagu waramayaa in uusan ka qeyb galaynin kulanka kooxdaasi ay United ku marti qaadayso garoonkeeda maalinta Sabtida, sababao lagu sheegay in uusan si wacan uga soo kabsan dhaawicii ka gaaray bowdada.

Xilli Tababare Harry Redknapp ku cel celiyey in xiddigaan uu diyaar ahaan doono ka hor kulanka United ayaa hadda Wargeyska The Sun waxa uu leeyahay “laacibku banaanka ayuu ka ahaanayaa dhimashada uu Redknapp, iyadoo uu ka baqayo in dhaawaca xiddiga u sii xoogeysto kaasoo saddex todobaad kaddib ku soo laabtay Tababarka”.

Dhanka kale Junior Hoilett weeraryahanka da’da yar ee Kooxdaas ayaa ka soo kabsaday dhaawac gaaray oo uu garoomada kaga maqnaa mudo dhowr todobaad ah, waxaana lagu waramayaa in ka qeyb galka kulanka Sabtida ee United ay tahay mid ku xiran tababaraha kooxdaasi.

Kooxda QPR oo haatan ku jira kaalinta ugu hooseysa horyaalka Dalka Ingiriiska ayaa leh 17 dhibcood oo qura waxaana laga cabsi qabaa in sanadkaan ay isaga haraan horyaalka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale