1: Wednesday, December 5, 2012 - 16:34:03
2: 1,071 Jeer.

Lix gabdhood oo Soomaaliyeed oo sun ku cabay xarunta Amisom ee xalane

Waxaa Qoray:


Ilaa lix gabdhood oo Soomaaliyeed ayaa baanaanka looga soo saasaaray xarunta ciidanka midowga Afrika ee Somalia jooga ee Amisom kadib markii la sheegay in ay sun cabeen.

Gabdhahaan ayaa la sheegay in ay ka ganacsan jireen gudaha xarunta Xalane ,laakiin si layaab leh ayey isaga soo saareen ciidanka Amisom ,iyagoo aan caafimaad ahaan wanaagsaneyn.

AMISOM ayaa war baxin ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay jiraan Gabdho sun cabay islamarkaana ku jiray xarunta ugu Taliska AMISOM ee Xalane,

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan Gabdho Sun cabay oo ku sugnaa xarunta Taliska AMISOM ee Xalane dabeedna loo soo saaray dibada,

Col Cali Aadan Xumad ayaa tilmaamay in Gabdhahani oo gaaraya ilaa iyo Lix ay cabeen sun,waxa uuna intaasi ku daray hadalkiisa ion ay aad kaga xun yihiin dhibaatada soo gaaray gabdhahaasi soomaaliyeed,

 

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale