1: Thursday, December 6, 2012 - 07:55:33
2: 258 Jeer.

Liverpool oo £12million ku dooneysa Keisuke Honda.

Waxaa Qoray:


Kooxda reer England ee Liverpool ayaa lala xiriinaya in ay £12million ku soo qadan doonto bisha January xidiga kooxda CSKA Moscow Keisuke Honda.

Laacibka wadanka Japan ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay heshiiska uu kula jiro kooxda reer Russia waxaana uu doonaya in uu kooxdiisa ka tago.

26 jirkaan ayaa xagagan qarka ufuulay in uu ku biiro kooxda Lazio ee wadanka Talyaaniga ,laaakin waxaa ay qiimaha isku fahmi waayeen kooxdiisa CSKA.

Macalinka kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa jeclaan lahaa in uu laacibkaan ku soo biiriyo kooxdda ku ciyaarta garoonka Anfield ,waxaana qiimahan £12Milion uu ka caawin kara in ay helaan .

Honda ayaa laacib sare ku noqday koobkii aduunka ee 2010 lagu qabtay qaarada Africa ,waxaana sidoo kale uu noqday laacibkii ugu wanaagsanaa Asian Cup 2011.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale