HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, December 13, 2012 - 18:00:47
Waxaa la aqristay: 263 Jeer.

Liverpool iyo Chelsea oo xidig isku heysta

Waxaa Qoray:

Daafaca kooxda Feyenoord ee ka dhisan magaalada Roterdam ee Stefan de Vrij ayaa ku jira raadeerka kooxda Liverpool.

Sida uu faafinayo warsidaha The Mirror macalinka kooxda Reds Brendan Rodgers ayaa si dhow ula socday horumarka ciyaareed ee uu sameeynayay daafacan Dutch-ka ah ee da’da yar.

Wuxuuna doonayaa inuu soo qaato xidigyarahan xariifka ah ee De Vrij bisha Janaayo ee nasoo qaaqamaysa kadib markii uu diiday inuu Feyenoord la saxeexdo heshiis mudo dheer ah.

Balse kooxda Buluugga ah ee Chelsea ayaa lafteedu isu diiwaangelisay doonista daafacan De Vrij labadii todobaad ee u dambeeyay.
Waxaa Qoray
Maxamed Xaaji

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale